SO | EN

SO | EN

Prof. Cabdi Samatar ayaa weerar afka ah ku qaaday Guddoomiye Madaale

|

Muqdisho (Kaab TV) – Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo haatan kamid ah Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa weerar afka ah ku qaaday guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo loo yaqaan Madaale, xili uu kafalcelinayay howlgalkii uu dhowaan ka sameeyay agagaarka xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Prof. Samatar ayaa sheegay in marka hore uu soo dhaweynayo la daagaalanka maandooriyaha, balse waxa uu ka horymid tallaabadii uu qaaday Madaale.

Senatorka ayaa sidoo kale su’aal ka keenay hab dhaqanka guddoomiyaha, gaar ahaan dhalinyaradii uu ku garaacay mid kamid ah kalaabyada xeebta Liido.

Hasa yeeshee, dagaalka ka dhanka ah maandooriyaha ee ka socda gudaha caasimadda ayaa maraya meel wanaagsan, waxaana toddobaadkii u dambeysay la arkayay guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hoggaaminaya howl-gal ka dhacay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, iyada oo Madaale u u galay mid kamid ah kalaabyada ku yaalla halkaasi.

Goobaha lagu caweeyo ayaa waxaa xilligaasi ku sugna dhalinyaro badan oo rag iyo dumar leh, iyada oo gudddoomiyaha uu garaacay wiilasha gabdhaha ku jiray kalaabka, kuwaasi oo la sheegay inay isticmaalayeen maandooriye.

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Waxa ay ila tahay oo i tuseysaa in meesha loo socdaa ay tahay meeshii kaligii taliska”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan caasimada uu dadar uga socdo howlgal culus oo ka dhan ah maandooriyaha, kaas oo uu hormuud u yahay gobolka Banaadir.

Waxaa kuu muuqda nin guddoomiye gobol sheeganaya oo bud sida, carrruurna ku garaacaya, isagu ma askarigii ciqaabayaybaa?. Howshiisu howshaa ma’aha waxa weeyaan in lasoo saaro wixii xaaraan ah in dadka loo sheego laga nadiifiyo, dadkana fursad la siiyo,” ayuu mar kale ku yiri wareysigaan oo uu Prof. Samatar siiyay Telefishinka Universal.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News