Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad ee dugsiyada sare, sannad-dugsiyeedka 2025/2026, iyadoo natiijada jaantusku muujinayso heerka tirada ardayda gudubtey, kuwa ku dhacday iyo xogo dheeraad ah.
Guud ahaan waxaa sanadkaan imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad u fariistay 9,155 arday kuwaas oo 5,094 ay yihiin wiilal, halka 4,061 ay yihiin gabdho, taas oo tilmaamaysa koror ka badan tirada ardaydii u fariisatay sanad dugsiyeedkii ka horreeyey ee 2024/25.
Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa shaacisay in arday celcelis ahaan u dhiganta 89.62%, oo isugu jira 4,539 wiilal oo u dhigma 49.58% iyo 3,666 gabdhood oo u dhigma 40.04% ay ku gudbeen imtixaanka ayna fursad u heli doonaan inay xaadiraan waxbarashada sare ee jaamacadaha dalka iyo dibadda.
Dhanka kale, 718 arday, oo u dhiganta 7.84%, ayaa la xaqiijiyey inay ku dheceen natiijada imtixaanka, halka 197 arday, oo u dhiganta 2.15%, aysan gelin imtixaanka, iyadoo 35 arday, oo ah 0.39%, laga baabi’iyey guud ahaan natiijadii imtixaankooda ay ka heleen.


