Puntland: Hadday saas u fududahay faraqa laysma haysteen 30 sano

|

Garowe (KAAB TV) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid (Juxa) oo ka falceliyay go’aanadii xalay kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga ee lagu soo gabagabeeyay Villa Soomaaliya ayaa ku tilmaamay kuwo lagu laalay Dastuurka Dalka iyo kan dowlad goboleedyada.

Wasiir Juxa ayaa sheegay in 30 sano khilaafaadka ka taagnaa Soomaaliya uu ku sakeysnaa inaanu koox gooni ah gaari karin go’aanno saameynaya dhammaan ummadda.

“Golihii Sare ee Kacaanka 1969 oo aan ilko lahayn,” ayuu ku sifeeyay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka kooban madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’isul Wasaare Xamza Cabdi Barre, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Qoorqoor, Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe iyo kan Hirshabelle, Cali Guudlaawe.

Dastuurka Dalka 

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Puntland Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa intaa ku daray “Goluha Wadatashigu wuxuu xalay laalay Dastuurkii Federaalka iyo kii Dawlad-Goboleedyadaba iyo dhamaan wixii heshiis lagu ahaa burburkii kadib.”

“Hadday saas u fududahay faraqa laysma haysteed 30 sano,” ayuu yiri Wasiir Juxa.

Puntland ayaa toddobaadkii hore ku guuleysatay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah taasoo ka dhacday illaa 30 degmo oo ka tirsan Puntland. Doorashada ayaa qabsoontay xilli siyaasiyiin iyo rag hubeysan oo taageero ka helaya madaxtooyada Villa Soomaaliya ay carqalad ku fureen nidaamka doorashada Puntland.

Golaha Wadatashiga ee shirkooda kusoo gabagabeeyay Muqdisho ayaa sheegay inay hirgelin doonaan doorasho qof iyo cod, iyadoo ay ku dhawaaqeen in labo xisbi kaliya uu dalku yeelan doono.

Puntland ayaanse ka qeybgalin shirka Golaha Wadatashiga ee ka dhacay Muqdisho.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News