BOOSAASO (Kaab TV) – Dowladda Puntland ee Soomaaliya ayaa dalbatay gurmad bani’aadamnimo iyo mid xasilin oo degdeg ah oo loo fidiyo dadka ay saameeyeen hawlgallada milatari ee ka socda buuraha fog ee gobolka Bari, halkaas oo ay ciidamada Puntland ku bartilmaameedsanayaan kooxaha Daacish.
Kumannaan qoys ayaa guryahoodii ka barakacay iyadoo hawlgallada dowladdu ku baacsaneyso kooxda Daacish ay sii xoogaysteen dhulka buuralayda ee gobolka Bari afartii toddobaad ee lasoo dhaafay.
In ka badan 19,640 oo qoys ayaa ku barakacay hawlgalkan
Sida ay sheegtay Wasiirka Gargaarka Puntland, Ubax Cabdirashiid, in ka badan 19,640 oo qoys ayaa ku barakacay hawlgalkan ka dhanka ah argagixisada, kaas oo lagu magacaabay “Hawlgalka Hillaac.”
Hawlgalkan oo la bilaabay dabayaaqadii bishii Diseembar ayaa diiradda lagu saarayaa in lagu burburiyo xarumaha Daacish ee buuraha Cal Miskaad iyo Cal Madow, oo ah dhul buuraley ah oo ku yaalla waqooyi-bari Soomaaliya.
Khamiistii, Golaha Wasiirrada Puntland ayaa ku shiray magaalada dekedda ah ee Boosaaso, halkaas oo uu Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ka hogaaminayo hawlgalkan ka dhanka ah Daacish.
Shirkan ayaa laga soo saaray baaq degdeg ah oo ku wajahan hay’adaha gargaarka bani’aadamnimo iyo kuwa xasilloonida ka shaqeeya.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdi Faarax Siciid (Juxa), ayaa ugu baaqay hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee caalamiga ah inay si degdeg ah u caawiyaan qoysaska barakacay iyo bulshooyinka uu saameeyay hawlgalku.
Wasiirku waxa uu xusay muhiimadda adeegyada aasaasiga ah ee deegaannada laga saaray kooxaha argagixisada, sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha, iyo jidadka.
“Adeegyadan waxay suurtogal ka dhigayaan in dadka barakacay ay dib ugu laabtaan noloshooda caadiga ah, sidoo kalena dowladda ay sugto ammaankooda marka ay hawlgalladu dhammaadaan,” ayuu raaciyay.
Baaqiisa waxaa ku raacday Wasiirka Maareynta Bani’aadamnimada, Ubax Cabdirashiid Maxamed Xirsi, oo xaqiijisay tirada barakacayaasha.
Dhankiisa, Wasiirka Warfaafinta, Maxamuud Caydiid Diriir, ayaa ammaanay dadaalka ciidamada Puntland, kuwaas oo iyagoo aan haysan ilo badan guulo ka gaaray hawlgallada.
Maxamuud Caydiid wuxuu bogaadiyay bulshooyinka maxalliga ah oo xog muhiim ah siiyay ciidamada, taasoo fududeysay in la beegsado kooxaha argagixisada.
Khamiistii, ciidamada Puntland waxay qabsadeen xarumo muhiim ah oo ay ku jiraan xeryo tababar iyo bakhaarro ay ku jireen raashin iyo shidaal.
Waxaa sidoo kale laga helay dukumentiyo muujinaya in mid ka mid ah maalgeliyeyaasha kooxda, oo ah muwaadin Sacuudiyaan ah, uu goobta ka baxsaday ka hor intaan ciidamada iman.
Hawlgallada ciidamada ayaa xoogeystay wixii ka dambeeyay markii 31-kii Diseembar Daacish ay weerar ismiidaamin ah ku qaadday saldhig ciidan oo ku yaalla Dharjaalle, halkaas oo 12 dagaalyahan oo ajnabi ah lagu dilay, oo ay ku jiraan kuwo ka yimid Tansaaniya, Tuuniisiya, Marooko, Itoobiya, iyo Qomoros, iyo sidoo kale dagaalyahanno Soomaali ah oo kooxda ka tirsan.
Inkasta oo Daacish-Soomaaliya ay ka yar tahay Al-Shabaab marka loo eego awoodda, haddana waxay khatar weyn ku tahay gobolka.
Kooxda oo ka howlgashay Puntland tan iyo 2015, waxaa hogaamiya Cabdulqaadir Muumin, oo hore uga tirsanaa Al-Shabaab ka hor intaanu u goosan Daacish.
Iyagoo diiradda saaraya buuraha Golis, Daacish-Soomaaliya waxay ka fulisay dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay adeegsadaan waxyaabaha qarxa (IED).
Juqraafi ahaan, Puntland oo ku taalla marin-biyoodka Gacanka Cadmeed iyo meel u dhow Badda Cas waxay muhiim u tahay ganacsiga caalamiga ah, balse sidoo kale waxay soo jiidataa kooxo xag-jir ah oo uga faa’iideysta goobtan si ay ugu sameeyaan tahriibinta dadka iyo falal sharci-darro ah.