SO | EN

SO | EN

Puntland iyo DF Soomaaliya oo markale is dhaafsaday eedeymo ku saabsan markabka hubka

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir iyo Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa eedeymo culus isku weydaarsaday warbaahinta iyagoo ka hadlay markabka hubka siday ee ay Puntland qabatay toddobaadkii hore.

Wasiir Fiqi oo ka hadlay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Puntland inay markab badda maraya soo qabsadeen, ka dibna ay sheegeen, sida uu yiri “waa qaniimo”.

“nin markab bad socda oo sharci ku socda intuu qabsado yiraahdo waa qaniimo aan ka kacno,” ayuu yiri Wasiir Fiqi oo weerar ku qaaday hoggaanka Dowladda Puntland isagoo ku sifeeyay “daba dhilifyo” dad kale ku shaqeysanayaan.

Wuxuu ku dooday in markabka uu ahaa mid ay leedahay dowladda Turkey, uuna ku socday hab sharci ah.

Hase ahaatee waxaa hadalkaasi ka jawaabay Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo ka hadlay munaasabad habeenimada Jimcaha [caawa] ka dhacday magaalada Garowe.

Wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay horey u sheegtay hadallo is burinaya ka dib markii ay sheegtay in markabka uu sido hub iyo badeeco kale, taasoo la yaab noqotay, sida uu tiri.

Wasiirka Warfaafinta Puntland wuxuu sheegay in markabka wata calanka Comoros uu muddo afar maalmood taagnaa xeebaha magaalada Bareeda ee gobolka Bari, iyada oo uu densadaday isgaarsiinta.

“Markabka labo mile u soo gaaray Bareeda ee labada maalin taagnaa, ee isgaarsiinta densaday muxuu qabanaayay,” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka Puntland ayaa keenay su’aalo adag oo la xiriira waxa uu markabkan shakiga dhaliyay ka qabanaayay biyaha u dhow Puntland, iyadoo goobta uu ku sugnaa markabka ay tahay goob uu ka socdo dagaal Puntland kula jirto argagixisada.

“Ma argagixo ayuu dejinaayay? Ma hub ayuu dejinaayay?,” ayuu is weydiiyay Wasiir Dirir.

Puntland ayaa qabatay markabkan 18kii July, waxaana haatan lagu hayaan dekedda Boosaaso.

Puntland ayaa sheegtay inay baaritaan ku waddo qalabka militari oo ay ku jiraan gawaarida gaashaaman oo markabkan saarnaa, iyo hubka noocyadiisa kala duwan.

Dowladda Puntland ayaa ku doodeysa in dastuurkeeda uu dhigaayo in xeebaheeda ay iyada ka mas’uul tahay illaa 12 nautical mile, ayna xaq u leedahay in wixii halis amni ah ay iska difaacdo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News