GAROWE (Kaab TV) – Mas’uuliyiin ka kala socota maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa shir ku leh magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, iyagoo xal u raadinaya dhameynta colaadda beelaha Leelkase iyo Sacad.
Shirka oo furmay Axaddii shalay ayaa la doonayaa in la isugu keeno labada beelood, si ay uga xaaqjoodaan xabbad joojin, kadibna loo soo afmeero colaaddan.
Colaadda Galbeedka Mudug oo soo laa laabatay ayaa sababtay dhimasho iyo dhaawac badan, waxaana ku barakacay boqollaal qoys oo ku noolaa deegaanada ay ku dagaalameen malleeshiyaadka labada beelood.
Colaaddan Galbeedka Mudug ayaa salka ku heysa muranka dhul daaqsimeedka iyo deegaanada miyiga oo labada dhinac ay had iyo jeer ku murmaan.