SO | EN

SO | EN

Puntland iyo Mareykanka oo qabtay madaxii maaliyadda ISIS

|

BOOSAASO (Kaab TV) – Ciidamada hawlgalka la dagaallanka argagixisada ee Puntland oo kaashanaya kuwa Mareykanka ayaa qabtay Abdiweli Mohamed Aw Yusuf (Abdiweli Walalac) oo ahaa madaxii maaliyadda iyo xiriirka ajaaniibta ee kooxda Daacish.

Abdiweli Mohamed Aw Yusuf (Abdiweli Walalac) waxaa lagu qabtay hawlgal ka dhacay deegaanka Laag oo ka tirsan degmada Xumbeys ee gobolka Bari.

“Waxaa laqabtay Abdiweli Mohamed Aw Yusuf (Abdiweli Walalac) Madaxii maaliyadda ahaana wakiilka Ajaanibta Argagixisada Daacish iyo labo xubnood oo kale, hawlgalka oo ka dhacay deegaanka Laag ee degmada Xumbeys, waxaa fuliyey saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka oo taageeraya Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland,” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay Taliska Hawkgalka la Dagaallanka Argagixisada ee Puntland.

Taliska ayaa sheegay in hawlgalka Calmiskaad uu marayo meel gebogebo ah, waxaana socda ugaarsiga firxadka Argagixisada iyo Horjoogeyaashoodii ka cararay Calmiskaad.

Hawlgalkan ayaa waxaa ka qeyb qaatay saraakiil Mareykan ah oo Puntland ku gacan siinaya la dagaallanka kooxaha argagixisada.

Guddoomiyaha Degmada Xumbeys, Axmed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in Abdiweli Walacwalac gacanta lagu dhigay, uu haatana ku jiro gacanta hay’adaha ammaanka ee Puntland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News