GAROWE (Kaab TV) – Puntland iyo Somaliland ayaa berito oo Arbaco ah la filayaa inay is dhaafsadaan maxaabiis ay kala haysteen labada dhinac.
Ilo ku dhow madaxtooyada Puntland ayaa sheegay in berito magaalada Garowe laga dhoofin doono 9 maxbuus oo ku jiray xabsiyada Puntland, kuwaas oo Puntland ay maxaabiis ahaan uga qabatay maamulka Somaliland.
Somaliland ayaa sidoo kale siideyneysa 11 ruux oo maxaabiis reer Puntland ah.
Arrintan ayaa qeyb ka ah heshiis kii ugu horreeyay noociisa oo lagu caadiyeynayo xiriirka labada gobol ee deriska ah oo muddo dheerba ay colaad ka dhex taagneyd.
Puntland iyo Somaliland ayaa ku muransan deegaanada Sool iyo Sanaag, balse sannadkii 2023 ayaa dagaalkii ka dhacay Laascaanood waxaa lagu yagleelay maamulka cusub ee SSC-Khaatumo.