SO | EN

SO | EN

Puntland iyo Somaliland: Iskaashi amni iyo dhaqaale oo bilaabanaya ka dib siideyntii maxaabiista

|

GAROOWE (Kaab TV) – Puntland iyo Somaliland ayaa toddobaadkan furay cutub cusub oo xiriirkooda liitay dib u hagaajiyay ka dib markii ay is weydaarsadeen 26 maxbuus oo ay labada maamul ee deriska ah kala heysteen muddo ku dhow labo sano.

Arbacadii shalay waxay Puntland siideysay 15 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalkii Goojacadda ee Laascaanood ka dhacay Agoosto 2023.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ayaa laga sagootiyay 15 maxbuus oo ku lebisan suud.

Puntland waxay kaloo dirtay labo la taliye oo ka tirsan xafiiska madaxweynaha Puntland kuwaas oo ka degey Hargeysa. Waana markii ugu horreysay oo wafdi heerkaas gaarsiisan oo ka socda dowlad goboleed katirsan federaalka Soomaaliya ay tagaan caasimadda Somaliland oo horey u sheegtay inay ka goosatay Soomaaliya inteeda kale.

Dhanka Somaliland, waxay iyaguna siidaayeen 11 maxbuus oo kasoo jeeday Puntland, kuwaas oo laga siidaayay xabsiga Hargeysa.

Somaliland ayaa si qurux badan u soo sagootisay maxaabiista iyadoo qofkasta la siiyay lacag sagootis ah oo gaareysa 500 doolar.

Waxaa maxaabiista lagu soo qaaday diyaarad ay la socdeen odayaal dhaqameed uu hoggaaminayay Boqor Cismaan Maxamuud Buurmadow oo ah boqorka guud ee beelaha Isaaq ee Somaliland.

Boqor Buurmadow oo la soo safray maxaabiis laga siidaayay Hargeysa.
Boqor Buurmadow oo la soo safray maxaabiis laga siidaayay Hargeysa.

Iskaashi guud

Madaxtooyada Puntland ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in siideynta maxaabiista labada dhinac ay ku timid heshiis dhexmaray dowladaha Somaliland iyo Puntland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa sheegay in Puntland iyo Somaliland ay is dhaafsadeen maxaabiista iyadoo aysan cidna ku dhex jirin.

“Berri ayaa marwalba ka muhiimsan shalay, waa xilligii layska kaashan lahaa khataraha xagjirka iyo fursadaha,” ayuu yiri Wasiir Juxa oo garoonka Garoowe ku soo dhoweeyay wafdiga Boqor Buurmadow.

Wuxuu beeniyay hadal kasoo baxay Wasaaradda Caddaaladda Dowladda Federaalka Muqdisho iyo tan maamulka SSC-Khaatumo oo sheegay in siideynta maxaabiista ay qeyb ka ahayd dadaallo ay sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Puntland waxay sheegeysaa in iskaashi dhanka amniga iyo dhaqaalaha ay la yeelanayaan Somaliland.

Dhankiisa, Boqor Buurmadow ayaa sheegay in labada dad ee Puntland iyo Somaliland ay yihiin dad wada dhashay, ayna ku faraxsan yihiin in colaaddii dhammaatay.

“Marka aynu labadeena iskaashano wax weyn baynu geysan karnaa,” ayuu yiri Boqor Buurmadow oo lagu yaqaano ka hadalka arrimaha siyaasadda Geeska Afrika iyo tan Soomaalida.

Wasiir Juxa iyo Boqor Buurmadow oo Garoowe ku kulmay.
Wasiir Juxa iyo Boqor Buurmadow oo Garoowe ku kulmay.

Wuxuu sheegay in haddii Puntland iyo Somaliland ay yeeshaan iskaashi ay wax weyn ka bedeli karaan siyaasadaha dowladda federaalka Soomaaliya.

SSC-Khaatumo iyo khilaafka Puntland

Arrinta siideynta maxaabiista Puntland iyo Somaliland ayaa si weyn looga faallooday durba. Waxaana muuqata in ay jirto kala qeyb sanaan siyaasadeed oo u dhexeysa Puntland iyo SSC-Khaatumo oo mar isku dhinac ahaan jiray.

SSC-Khaarumo waxay war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in maxaabiista la siidaayay ay ku timid dadaalka dowladda federaalka, arrintaas oo ay Puntland gaashaanka ku dhufatay.

Puntland waxay u muuqataa inay aad ugu dhowaatay dhanka Somaliland, walow Puntland aysan dooneyn inay ka goosato Soomaaliya inteeda kale, balse waxay si cad marar badan u sheegtay inay dooneyso nidaamka ‘confederaalka’ oo gobol kasta siinaya ismaamulkiisa gooniga ah.

Wasiirka Tamarta Dowladda Federaalka, Cabdillaahi Bidhaan, oo kasoo jeeda Laascaanood ayaa ku weeraray madaxweynaha Puntland, Siciid Deni arrinta maxaabiista oo uu sheegay in madaxweyne ‘Deni uu aqbali la’ yahay aqoonsiga ay dowladda federaalka aqoonsatay ssc-khaatumo, ama inuu ka careysan yahay booqashadii Raisul Wasaaraha Dowlada Federaalka ku tagay Laascaanood.

Waxaa durba hadalkiisa ka jawaabay Wasiirka Madaxtooyada Puntland Cabdifataax Cabdinuur oo ku eedeeyay Wasiir Bidhaan iyo Villa Soomaaliya inay dhaqaale ku bixinayaan kala irdheynta shacabka walaalaha ee Puntland iyo SSC-Khaatumo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News