GAROWE (KAAB TV) – Markab dagaal oo laga leeyahay dalka India INS Chennai ayaa ku guuleystay inuu qaado howlgal diyaarado helicopter ah iyo digniino uu u diray kooxaha burcad badeeda ah ee afduubka u heystay markabka MV Lila Norfolk meel u dhow xeebta degmada Eyl, gobolka Nugaal ee Puntland Jimcihii shalay.
Saraakiil ka tirsan ciidamada oo u waramay wakaalada wararka India ee ANI, ayaa sheegay in ciidamada Kumaandooska Hindiya ay u daateen markabka oo lagu hayey meel u dhow xeebta degmada Eyl ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland.
Markabka MV Lila Norfolk ee ka babanaya calanka Liberia, kuna sii jeeday Baxrayn, ayaa ku dhacay gacanta budhcad-badeedda Khamiistii, taasoo keentay in 15-shaqaale ah oo u dhashay dalka Hindiya ay dareen murugo leh ka muujiyaan xaalkooda iyagoo markiiba gurmad dirsaday.
Bayaan ka soo baxay ciidamada badda ayaa lagu xaqiijiyay in si guul leh looga daadgureeyay dhammaan 21-kii shaqaale ee markabka dushiisa saarnaa.
Waxaase la yaab leh in aan la helin wax burcad badeed ah, taas oo ay ugu wacan tahay digniintii hore ee la soo jeediyay ka hor howlgalka Kumaandooska.
Dhacdadan ayaa kor u qaadaysa welwelka laga qabo dib u soo cusboonaada burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya, oo ah gobol ay ragaadiyeen weerarradii budhcad-badeedda intii u dhaxaysay 2008 iyo 2011, oo ugu horreyn laga soo bilaabay magaalada Eyl.
Khubarada ayaa qiyaasaya in weeraradii ugu dambeeyay ay la xiriirinayaan in maraakiibta ciidamada badda ee laga raro badweynta Hindiya loona raro badda cas, ujeedkooduna yahay in lagu badbaadiyo maraakiibta uga imaanaya fallaagada Xuutiyiinta ee fadhigoodu yahay Yemen.