GAROWE (KAAB TV) – Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqday inaysan aqoonsan doonin, ku dhaqmi doonin, ayna u hoggaansami doonin haddii la meelmariyo Dastuur cusub oo aan la isku raacsaneyn.
Warka Puntland ayaa imaanaya iyadoo maalinta Arbacada la rajeynaayo in Baarlamaanka kala qeybsan ee Soomaaliya uu meelmariyo Dastuurka cusub oo lagu bedelaayo Dastuurkii Ku-meelgaarka ahaa.