Garoowe (KAAB TV) – Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa lafilayaa in toddobaadka soo socdo uu meel mariyo xeerka wax kabadalka doorashooyinka kaas oo uu soo saaray guddiga doorashooyinka maamulkaasi.
Sidoo kale, wax kabadalka xeerka doorashooyinka maamulkaasi ayaa loo shalay loo gudbiyay baarlamaanka maamulka Puntalnd, kaas oo tilmaamaya in doorashada waqtigeeda ey kudhacdo dhamaadka bisha February ee sanadka soo socdo, lagana dhigo hab madaxweynaha iyo baarlamaanka ey soo dooranayaan shacabka Puntaldn.
Dhanka kale, golaha wakiilada maamulka Puntland ayaa lafilayaa iney meel mariyaan xeerkan 20-ka bishan oo ku aadan Isniinta soo socoto.
Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa horey uga horyimid xeerkan iyagoo uga digay golaha wakiilada maamulkaasi iney qaadaan talaabooyin markale horseedi kara xasilooni daro amni iyo mid siyaasadeed.
Mucaaradka Puntland ayaa intaasi kudaray in baarlamaanka lagula xisaabtami doono ka shaqeynta damaca u gaarka ah Siciid Deni iyo maamulkiisa.
Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa horey umeel mariyay go’aano ka dhashay in destuurka wax kabadel lagu sameeyo qodobo qaar oo Siciid Deni u daneynaayay, iyadoo taasi ey sababtay in isku dhac dhexmaro maamulka Siciid Deni iyo Mucaaradka taasoo sababtay in leysku adeegsado xabad, isku dhacaas waxaa naftooda kuwaayay in kabadan 30-qof oo kugeeriyootay magaalada Garoowe ee Caasimada maamulka Puntland.