SO | EN

SO | EN

Puntland oo 24 saac uqabatay shacabka reer guuraaga ee buuraha Calmiskaad si duqeymo looga fuliyo halkaasi

|

Garoowe (KAAB TV) – Maamulka Puntland, ayaa shaaciyay in ay bilaabanayaan duqeymo culus iyo howlgallo balaaran oo ka dhan ah kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskaad, xilli uu gebogebo marayo wijigi saddexaad ee ciribtirka kooxdaasi ku sugan buuraha Calmiskaad.

Sidoo kale, qoraal kasoo baxay howlgalka ciribtirka argagaxisada Daacish u qaabilsan Puntland, ayaa loogu baaqay dadka reer guuraaga ah ku dhaqan dhulka buuraleyda Calmiskaad in muddo 24-saac gudahood uga baxaan aagga ay ku sugan yihiin kooxda Daacish, si duqeymo loogu garaaco.

Howlgalka ciribtirka argagaxisad ee Puntland qoraalka kasoo baxay, ayaa lagu sheegay in ay la socdaan in kooxaha argagaxisada firxadkooda ay doonayaan in ay isku dhax qariyaan dadka reer guuraaga ah, waxaana looga digay reer guuraaga ah in ay ka fogaadaan goobaha ay joogaan kooxdaasi.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News