Garowe (KAAB TV) –Wasaaradda Warfaafinta ee Maamul-goboleedka Puntland ayaa beenisay hadal ka soo baxay dowladda Federaalka oo ahaa in ciidamada Soomaaliya iyo saaxiibadooda caalamiga ah ay dileen 20 ka tirsan Al-Shabaab, kadib howlgal ka dhacay Puntland.
Qoraal ay soo saartay maanta oo isniin ah ayay Wasaaraddu ku sheegtay in warbixinta dowladda federaalka ay tahay mid been abuur ah, islamarkaana Puntland ay awood u leedahay inay maamusho amnigeeda. Waxayna intaasi ku dartay in Puntland ay ka go’an tahay ciribtirka kooxaha argagixisada ah.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Al-Caddaala oo la hadlay Idaacadda VOA-da ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay weerar ka dhan ah Al-Shabaab ku qaaday Puntland, kaasi oo lagu bartilmaameedsaday madaxda ugu sareysa Xeryaha ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab.
Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in Al-Shabaab lagu jabiyay dagaaladii ka dhacay Galmudug iyo Hirshabeelle, waxaana maleeshiyada ay hadda isku uruursadeen buuraha Bariga Puntland.