SO | EN

SO | EN

Puntland oo billaawday musaafurinta dadka kasoo jeeda qoomiyada Itoobiya

|

Gaalkacyo (KAAB) – Dowlad Goboleedka Puntland ayaa billaabay inay degaanadooda ka musaafuriyaan dadka qaxootiga ah ee kasoo jeeda dalka Itoobiya, kuwaas oo muddo badan kunoola degaannada Maamulkaas.

Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo ayaa maalmihii ugu dambeeyey waday uruurinta & daabulka dadka Itoobiyaanka ka ah ee ku nool jidadka Magaalada Gaalkacyo.

Maamulka Degmada ayey u suurtogashay inay dadkan isugu keenan hal goob iyagoo la filayo dhawaan in dalkooda dib loogu celiyo.

Qaar kamid ah qaxootiga Itoobiya ah ee la aruuriyay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in iyagu ay doorteen in intii xerooyin lagu xareen lahaa in dalkooda dib loogu celiyo.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Faysal Sheekh Cali iyo Duqa Degmada Galkacyo Xasan Mahamed Jaamac  ayaa kormeeray xarunta hoyga looga dhigay dadkaan iyagoo u kuurgalay xaaladdooda nololeed.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News