SO | EN

SO | EN

Puntland oo ciidamo ku daabuleysa magaalada Boosaaso + Sababta

|

Garoowe (KAAB TV) – Faahfaahino kala duwan oo ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in haatan dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo magaalada Boosaaso ee xarunta Puntland, halkaas oo la’isugu geeyay ciidamo kala duwan oo ka tirsan kuwa maamulkaasi.

Sidoo kale, maamulka Puntland ayaa ciidamo ka tirsan kuwa difaaca ee maamulkaasi oo wata gaadiidka dagaalka ku daabushay deegaanka Kala-bayr oo hoostaga magaalada Boosaaso, iyaga oo halkaasi ka sameystay farriimo ciidan oo cusub.

Dhanka kale, Ciidamadan oolaga keenay gobollada kala duwan ee Puntland ayaa ujeedka la’isugu soo aruuriyay waxa ay tahay inay ka qayb-qaataan howlgallo ka bilaabanaya gobolka Bari oo Puntland ay dooneyso inay ku beegsato kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.

Saciid Deni ayaa qorsheynaya in ciidamadan ay guluf dagaal ku qaadi doonaan kooxaha ku dhuumaalaysanaya buuraleyda Calmadaw iyo Calmiskaad ee bariga Puntland, halkaas oo ay ku sugan yihiin unugyo ka tirsan kooxaha argagixisada ee Al-shabaab iyo Daacish.

Sidoo kale saraakiisha hoggaamineysa ciidanka Puntland ayaa sheegay inay u diyaar u garoobeen howlgallada bilaabanaya, sidoo kalena ay la dajiyay qorshaha weerarada ay ku qaadi doonaan fariisimaha ay degan yihiin kooxaha nabad diidka ah ee ku sugan halkaasi.

Qorshaha lagu dagaal gelinayo ciidamada Puntland ayaa waxaa dhawaan qaatay madaxweyne Saciid Deni oo sheegay inay iska xoreyn doonaan argagixisada, waxaana ka caawin doono howlgalladaas, qaar kamid ah saaxiibada caalamiga ah ee ka gacan siiyay ammaanka.

Maamulka Puntland ayaa uga digay shacabka inay ka fogaadaan meelaha ay joogaan Kooxaha Al-shabaab iyo Daacish, si aysan waxyeelo uga soo gaariin beegsiga kooxahaasi.

Ugudambeyn, ciidamada Puntland iyo kooxaha hubeysan ayaa marar badan ku dagaalamay dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, oo ay ku yaallaan godad waa wayn oo ay ku dhuumaaleystaan kooxahaas, halkaas oo hadda la qorsheynayo in laga tirtiro kooxahaasi.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News