GAROWE (Kaab TV) – Dowladda Puntland ayaa si adag u cambaareysay dagaalkii shalay ka dhacay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, kaasoo u dhexeeyay ciidamada ammaanka Puntland iyo maleeshiyaad deegaanka ah.
Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay iska horimaadkaas oo ka dhacay duleedka magaalada Dhahar. Afar ka mid ah dadka dhintay ayaa la sheegay inay ahaayeen ciidamada ammaanka Puntland, halka qofka shanaad uu ka tirsanaa maleeshiyaadkii la dagaallamay.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxa), ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay sabab u ahayd hurinta dagaalka, isaga oo sheegay in dowladda federaalku ay maalmahan ku hawlan tahay kicin bulsho, hurinta colaado iyo abuuridda xaalado aan degganeyn gudaha Puntland.
“Waxaan si kulul u cambaaraynaynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maalmahan ku hawlan hurinta colaado, kicinta bulsho iyo abuubul degenaansho la’aan ah gudaha gobollada Puntland ee nabadda ah,” ayuu yiri Wasiir Juxa.
Wasiir Juxa ayaa intaas ku daray in Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre (XSM) ay galabta degmada Dhahar ka hirgelisay maleeshiyaad hubeysan, taasoo sababtay xiisad colaadeed oo keentay dhimasho iyo barakac.
“Sidoo kale, waxaan si adag u cambaaraynaynaa Xukuumadda Xamza Barre oo galabta maleeshiyaad hubeysan oo ay abaabushay ka hirgalisay degmada Dhahar ee gobolka Haylaan, taasoo sababtay xiisad colaadeed iyo dhimasho,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
“Dhabar-jebin lagu hayo halganka Puntland ay kula jirto kooxaha argagixisada”
Wasiirku wuxuu dagaalka Dhahar ku tilmaamay “dhabar-jebin lagu hayo halganka Puntland ay kula jirto kooxaha argagixisada ah ee Daacish iyo Al-Shabaab, kuwaasoo ku sugan buuraleyda Calmadow iyo Calmiskaad.”
Sidoo kale, Wasiir Juxa ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka in ay deeqaha beesha caalamku u fidiso Soomaaliya u adeegsato qalqalgelinta Puntland, halkii ay shacabka Soomaaliyeed wax loogu qaban lahaa.
“Shalay Raas-Kambooni, Maanta Dhahar,” ayuu yiri Wasiir Juxa, isaga oo tusaale u soo qaatay falal uu ku sheegay inay yihiin kuwo is xigxiga oo lagu bartilmaameedsanayo deegaanada Puntland.
Goobjoogayaal ayaa u sheegay Kaab TV in ciidamada ammaanka Puntland ee ku sugnaa deegaanka Qol ee duleedka Dhahar ay ku jireen howlo sugid amni, kadib markii la helay xog sheegaysa in maleeshiyaad dhaqdhaqaaqyo ka wadeen magaalada.
Waxaa halkaas ka dhacay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo maleeshiyaad deegaanka ah. Xiisadda ayaa sababtay in dad badan oo rayid ah ay shalay ka barakacaan magaalada Dhahar una baxsadaan duleedka magaalada.
Saaka oo Arbaco ah, xaaladda magaalada ayaa la sheegay inay deggan tahay, iyadoo magaalada Dhahar ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada ammaanka Puntland.
BAAQA ODAYAASHA WARSANGALI EE SANAAG: “Waa in la joojiyo dagaalka Dhahar, xalkana lagu raadiyo wada hadal” pic.twitter.com/9iKehvdrdh
— Kaab TV (@KaabTV) July 16, 2025
Wariyaha Kaab TV ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ee deegaanka ay maanta soo saareen baaq nabadeed, iyagoo ugu baaqay labada dhinac inay joojiyaan dagaalka, islamarkaana dadka rayidka ah loo oggolaado inay guryahooda ku laabtaan.
Si kastaba ha ahaatee, wararka laga helayo Dhahar ayaa sheegaya in magaalada inteeda badan ay weli tahay mid dadkii ka qaxay, lagana dareemayo cabsi iyo qalqal colaadeed.

