Garoowe (KAAB TV) – Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali Jifa-jabsade ayaa ku eedeeyay DF in ay ka dambeyso hurinta colaad beeleedyada ka socda gobolka Mudug.
Sidoo kale, guddoomiye Faysal ayaa shaaca ka qaaday in DF Soomaaliya iyo kooxaha argagixisada ah ay isaga mid yihiin isku dirka beelaha gobolka Mudug iyo in ay kiciyaan colaad qabiil ku dhisan.
Dhanka kale, guddoomiyaha waxa uu intaasi kudaray in dowladda madaxweyne Xasan Sheekh gobolka Mudug ka samaysay xuduudo qabiil, islamarkaana beelaha ku kicinayso xuduud beeleed aan jirin si ay qeyb uga noqoto dagaallada qabiilka ee ka socda Mudug.
“Dowladda Federaalka ha ahaato ama kooxaha argagixisada ah ha ahaadaan iyo kuwa badan oo mushkilad ka shaqaynaya ayaa jira”
Maamulka Puntland ayaa dhowr jeer oo hore dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ku eedaysay in ay xambaarsan tahay aragti qabiil iyo xuduudo la kala sheegto taasi oo soo celcelisa dagaal beeleedyada ka dhaca gobolka Mudug.