GAROOWE (KAAB TV) – Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah u raacday dhabaha dimuqraadiyadda xilli Soomaaliya inteeda kale ay halis ugu jirto inay gacanta u gasho kooxaha argagixisada, amaankuna uu sii ximaanayo.
Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa toddobaadkii hore shaaciyay in saddexda degmo ee kalaah Garoowe, oo ah caasimadda Puntland, Dangoroyo iyo Godob JIiraan, ay qabsanayaan doorashada qof iyo cod oo ay sannadkii hore ka hareen ka dib markii rabshado dhimasho sababay ay carqaladeeyeen doorashooyinka golayaasha deegaanka.
Marka lagu daro saddexdan degmo oo dhacaya 23ka Luulyo 2024, waxaa dhameystirmaaya guud ahaan 33 degmo oo Puntland ka kooban tahay oo dhammaantood yeelanaya golayaal deegaan iyo dowlado hoose oo ku yimid doorasho qof iyo cod ah.
Dhallinyarada ayaa aad uga muuqanaya ol’olayaasha siddeedda xisbi ee ku loolamaya doorashada saddexde degmo iyadoo musharrixiinta badankood ay yihiin dhallinyaro, halka codbixiyaasha isdiiwaangaaliyay in ka badan 60% ay yihiin dhallinyaro.
Qorshaha in doorasho qof iyo cod laga hirgaliyo Puntland wuxuu xawli ku socday sannadkii hore ee 2023, hase yeeshee waxaa qorshahaasi laga laabtay markii Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay si cad uga hor yimaadeen doorashada Puntland, isla markaana kooxo mucaaradka Puntland ah ay horseedeen in rag hubeysan ay hor istaagaan doorashada saddexdan degmo.
In ka badan 5 ruux ayaa ku dhintay rabshado ka kala dhacay Garoowe iyo deegaannada duleedka Garoowe ah.
Jihada horumarka, dimuqraadiyadda
Taasi waxay dhalisay in doorashada xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ee hadda xilka haya lagu xulo habka odayaasha qabaa’ilka.
Baarlamaanka Puntland oo ka kooban 66 mudane ayaa 8dii Jannaayo doortay madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.
Dhowaan Wasiiru Dowlaha Qorsheynta Puntland Cabdifitaax Maxamed Cabdinuur ayaa shaaciyay inay Puntland ay raaceyso dhabaha horumarka dimuqraadiyadda, doorashaduna ay horseedeyso in dadweynuhu ay iyagu gaaraan go’aanka dadka maamulaya.
“Puntland waxay dejisay jihada horumarka, dimuqraadiyadda iyo horumarinta dhaqaalaha. Waxaan isku keeni doonaa dhammaan awoodeena iyo awooda maskaxdeena si wadajir ah si ay dawladeenu u shaqeyso si wanaagsan oo ay uga faa’iidaystaan shacabka Puntland,” ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaaradda Puntland Cabdifitaax Maxamed Cabdinuur.
Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay in siddeed xisbi siyaasadeed ay ka qeybgalayaan tartanka doorasha golayaasha deegaanka iyo dowladaha hoose.
Wuxuu Wasiirku sheegay in marka lasoo dhameystiro doorashooyinkan ay xigi doonaan in doorashooyinka soo socda ee Puntland ee Baarlamaanka iyo Madaxtooyada ay noqdaan qof iyo cod.
Soomaalida iyo qof iyo cod
Soomaaliya waxaa doorasho qof iyo cod ugu dambeysay 26kii Maarso 1969-kii xilligaasi oo doorasho baarlamaani ah lagu galay hannaanka qof iyo cod. Muddo lix bilood ka bacdi waxaa la dilay madaxweynihii dalka, AUN Cabdirashiid Cali Sharma’arke taasoo ay xigtay in militariga ay la wareegeen xukunka 21 Oktoobar ee sannadkaas.
Inkastoo Dowladda Federaalka ee hadda maamusha Muqdisho ay dhowr jeer naawishay qabashada doorasho qof iyo cod haddana marna ma suuroobin riyadaasi inay runowdo. Waxaana sababa ugu weyn ay tahay dowladda oo aan ka talin meel aan ahayn caasimadda, iyadoo gobollada dalka ee koonfurta iyo bartamaha badankood ay ku awood badan yihiin, qeybo badanna xukumaan kooxda Al-Shabaab.
Soomaaliya sidoo kale lagama sameyn afti dadweyne iyo tirakoob lagu ogaan karo dadka codeyn kara xaaladaha amni dartood.
Waqti xaadirkan walaac weyn ayaa ka jira koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya sababo ka dhashay awooddii Al-Shabaab oo xoogeysatay iyo ciidanka ATMIS ee Midowga Afrika oo la rajeynayo inay qeyb ahaan dalka ka baxaan. Colaado beeleed ayaa ka soconaya gobollada Mudug, Galgaduud, Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo Gedo.
Haddii doorashada qof iyo cod ee Puntland ay hirgasho si buuxda, waxay Puntland oo ku taalla dhanka waqooyi bari ee Soomaaliya noqoneysaa meesha kaliya ee habka federaalka Soomaaliya ee qabta doorasho dimuqraaddi ah, halka Somaliland oo doorashooyin nabad qabatay 20kii sano ee lasoo dhaafay ay iyadu ka baxday Soomaaliya oo ay sheegatay waddan madax-bannaan.
Ugu yaraan doorashooyinka Puntland waa guul iyo iftiin ka dhex bidhaamaya waddan intiisa kale ay ka jiraan amni darri iyo degannaansho la’aan qarka u saaran inay argagixisadu la wareegto.