Muqdisho (KAAB TV) -Puntland ayaa ku dhawaaqday in aysan ka qeyb geli doonin gogosha wadatashiga uu fidiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo ku sababeeysay in Dowladda Federaalka aysan u hoggaansamayn dastuurka iyo sharciga dalka.
Wasiirka Caddaaladda Puntland, Maxamed Cabdiwahaab, ayaa sheegay in Puntland aysan wax wadahadal ah la furi doonin Dowladda Federaalka ilaa ay kusoo laabato xayndaabka dowladnimada, isla markaana ay ogolaato gogol wadatashi qaran oo dhab ah.
Wuxuu intaas ku daray in Puntland ka qeyb-galka shirka ay ku xirtay dhowr qodob oo ay kamid yihiin: in dowladda ku noqoto dastuurkii lagu heshiiyay August 2012, in la aqbalo gogol wadatashi qaran maaddaama uu Golaha Wadatashiga Qaranku isu beddelay xisbi siyaasadeed, in la qabto doorasho qaran oo heshiis lagu yahay, loona dhanyahay, iyo in dowladda aqbasho doorashadii Jubbaland.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu saddexdii sano ee lasoo dhaafay ka dhego-adaygay baaqyada bulshada ee muujinayay in jidka ay dowladdu ku socoto uusan ahayn mid sax ah.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhawaan si rasmi ah ugu dhawaaqay furitaanka Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada, taas oo lagu wado inay ka furanto magaalada Muqdisho 15-ka Juun 2025.
Madaxweynaha ayaa sheegay in gogoshani ay tahay fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo wadahadalka, kalsoonida iyo iskaashiga u dhexeeya qaybaha kala duwan ee hoggaanka siyaasadda iyo bulshada, si loo adkeeyo midnimada qaranka iyo horumarka dalka.