Dhageyso: Puntland oo Dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya ku wareejisay eedeysane dil loo haysto

|

Ciidanka Booliska Puntland ayaa ku wareejiyay laamaha amniga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS), Xiddig Siciid Sheekh Xirsi, kaas oo ku eedeysan dilka marxuum Cabdi Maxamuud Wayrax oo dhacay taariikhdu markay ahayd 08/10/2018.

Wareejinta eedeysanaha oo ka dhacday degmada Galdogob waxaa hoggaaminayey Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug, G/Sare Maxamuud Muuse Bille (Fardafuul), halka dhinaca Dowlad Deegaanka Soomaalida uu eedeysanaha kala wareegay Taliyaha Komaandhiska Booliska Gobolka Doolo, G/Dhexe Cabdullaahi Ibraahim Maxamuud.

Kadib wareejinta, labada taliye ayaa si wadajir ah u qabtay shir jaraa’id.

Waxaana ugu horeyn ka hadalay Taliyaha Komishinka Gobolka Doolo, Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Ibraahim Maxamuud.

“Anaga iyo Puntland wada shaqeyn aan leenahay xiriirka Gacan ku dhiigalyaasha Dalka gala hada ka horba kuwo sidaan oo kale u dhibnay baa jiray waa waxa aysan ku baxsaneyn Dalka Gudihiisa soomaaliya iyo itoobiya, Dalkana waa isku dal cid kasta oo falalkaan oo kale geysata waxaan ugu digeynaa meel aan lagu badbaadeyn in ay ka baaqsadaan sharcigana la horgeun doono, hadda edeysane waxaan kala wareegayaa Xidig Siciid Sheekh Xirsi, oo dilay Cabdi Maxamuud Wayrax Abaaro shantii Habeenimo 08/10/2018, ayuu dilay,” ayuu yiri Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Ibraahim Maxamuud.

Taliyaha Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Ibraahim Maxamuud ayaa sheegay in eedeysanaha la horgeyn doono sharciga Hada waa dambiile waxaa uu ku xukumanyahay oo aan ku xukunay cimrigaa ha ku furto xabsi daamin ayuu ku xukumanyahay.

Sidoo kale waxaa uu yiri” farxad baay maanta ii tahay aniga iyo Taliyaha in aan lakala wareegno mudo fog aan raadineyay waan ku guuleysan natiijadii waxaana wada shaqeyn sii socodoonta dibna u dhicimeyso cidkastoo isku dayda falka nuucaanoo kala ah Talaabo sharci ah ayaa laga qaadi waxuu dilay qof itoobiyaan ahoo dowlada deegaanka soomaalida ah oo iToobiyaan ah oo damaanadiisa qaadnay waxaa waajib naga saarnaa in sharciga horgeeno waana ku guuleysanay.

DHEERAAD:  Warbixin Shirkadaha Isgaarsiinta puntland Oo Gebi Ahaamba Mamnuucey Isticmaalka 1XBET

Wada shaqeynta waa ka sii fiicnaaneysaa sidaan horayna waa u wada shaqeneynay hada waa wada shaqeyneynaa wajigii koobaad maha iyo wajigii labaad toona,Gacan ku dhiigala xaaga gala sidaan si lamid ah ayaan u soo dhiibeynaa Dambiile kasta Dalka kuma baaqan doono.

Taliyaha Komaandhiska Booliska Gobolka Doolo, G/Dhexe Cabdullaahi Ibraahim Maxamuud ayaa digniin u jeediyay shacabaka Soomaaliyeed.

Shacabku waxaa ugu Digayaa qof walbo oo nuucaan oo kale ah cidii ku dhacda meela kuma badbaadeyso Dalka un ayaa kala dal ah dadka waa un isku dadkii sidaan iyo si lamid ah ayaan sharciga u horgeeni doonaa cidii isku dayda falkaan.

Ugu Dambeeyn waxaa ka hadlay Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug, G/Sare Maxamuud Muuse Bille (Fardafuul), waxaa uu dhankiisa yiri” Boolisku meel uu joogo waa isku mid Aduunku waa lawada shaqeynayaa qofkasta oo edyesana ahne qof xugmana ah dambiile ah ee baxsada goobta uu tagaa lagu qabankaraa shaqada waa wada qabanayaan saas ayay uwada dhaxeysaa wada shaqeyntu saas u wada dhaxeysa wada shaqeyntu waa isku mid ayuu sii raaciyay.

Mas’uuliyiintu waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta joogtada ah ee u dhexeysa Ciidanka Booliska Puntland iyo laamaha amniga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, gaar ahaan is-weydaarsiga xogaha amniga iyo isu-gudbinta eedeysanayaasha ka baxsada labada dhinac, si loo xaqiijiyo caddaaladda, loona xoojiyo amniga iyo la-dagaallanka dambiyada ka gudba xuduudaha.

Hoos ka Dhageyso:

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News