Garowe (KAAB TV) -Ciidamada amaanka ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa gacanta ku dhigay 27 kaluumaysato ah oo u dhashay dalka Yemen iyo hal qof oo Soomaali ah, kadib markii lagu soo qabtay dooni ay saarnaayeen oo si sharci darro ah uga kalluumaysanayay biyaha Puntland.
Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland ayaa sheegtay in doonidan oo lagu magacaabo “Maymoon 1” laga leeyahay dowladda Yemen, ayna ciidamada ilaalada xeebaha Puntland 14-kii May 2025 ka qabteen xeebaha Raas Casir. Markabkan ayaa la sheegay inuu isticmaalay hab mamnuuc ah oo loo yaqaan “Hawi” kaasoo mamnuuc ka ah shuruucda kalluumeysiga ee Puntland.
Maamulka ayaa intaa ku daray in markabkan uusan laheyn wakiil ka diiwaan gashan deegaanka, taasoo ku xad gudubtay shuruucda u degsan Puntland ee u baahan in si rasmi ah ula shaqeyso wasaaradda.
“Tani waxay jabin cad ku tahay sharciga kalluumeysiga Puntland, doonida iyo shaqaalihii la socday ma aysan u hoggaansamin hab-maamuuskii sharciga ahaa ee looga baahnaa,” ayay wasaaraddu sheegtay.
Maxaabiista ayaa hadda ku xiran xabsiga, waxaana la filayaa in dacwadaha sharciga ah ay todobaadkan ka bilaabmaan maxkamadda darajada koowaad ee degmada Baargaal, halkaasi oo si rasmi ah loogu qaadi doono dacwadaha loo heysto.
Safaaradda Yemen ee Muqdisho iyo mas’uuliyiinta kale ee Soomaalida ee ay khuseyso ayaa la ogeysiiyay. Dhanka kale, Maamulka Guud ee Kalluumeysiga ee Badda Carabta, ee hoos taga Maamulka Gobolka Hadramuut, ayaa xaqiijiyay in ay xiriir la sameynayaan Mas’uuliyiinta Soomaalida si loo sii daayo Kalluumeysatada.