Garawe (Kaab TV) –Ciidamada badda Puntland ee PMPF ayaa gacanta ku dhigay maraakiib badan oo ajaaniib ah oo lagu eedeeyay inay si sharci darro ah uga wadeen xeebaha Puntland, sida ay sheegeen maamulka Puntland Khamiista maanta ah.
Hawlgalka oo socday muddo toddobaad ah ayaa waxa uu ahaa mid si wada jir ah looga sameeyay deegaano badan oo xeebaha ah. Sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda maaliyadda Puntland, saddex ka mid ah doonyaha la qabtay waxaa lahaa dad u dhashay dalka Yemen, halka midka afraadna laga leeyahay dalka Iran. Saddex doonyood oo dheeraad ah oo taageero ah oo loo adeegsan jiray kalluumaysiga sharci darrada ah ayaa sidoo kale lala wareegay.
Labo doonyood oo laga leeyahay dalka Yemen ayaa horay waxaa la horkeenay Maxkamadda Degmada Baargaal, taasi oo ku soo rogtay Ganaax iyo Ciqaabo kale oo dhanka sharciga ah sida uu dhigayo sharciga kaluumeysiga ee Puntland.
Dhinaca kale, hal doomood oo Yemeni ah iyo 3 Iiraaniyiin ah oo ay saaran yihiin 45-shaqaale ajaanib ah ayaa loo gudbiyay magaalada Boosaaso, halkaas oo ay ku wajihi doonaan maxkamad.
Wasaaradda Maaliyadda iyo Ciidanka Asluubta Puntland ayaa digniin culus u diray Shaqsiyaadka Soomaalida iyo Ajaanibka ah ee ku howlan Kalluumeysiga sharci darada ah, iyagoo ballan qaaday in tallaabo adag laga qaadi doono.
Maamulka Puntland ayaa sidoo kale ka digay in cid kasta oo ka hortimaada sharciga ama u adeegsata maleeshiyaad hubeysan oo hor istaaga howlaha badda in lala tiigsan doono sharciga garsoorka iyo amniga Puntland.
Kalluumeysiga sharci darrada ah ayaa weli ah khatar weyn oo ku wajahan kheyraadka badda Soomaaliya, taasoo ka ceshata kalluumeysatada gudaha iyo bulshada xeebaha ah nolol iyo dakhli.

