Garoowe (Kaab TV)- Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ciidamada amaanka Puntland ku celiyeen, Khadar Cabdiraxmaan Faroole oo ah Ergeyga madaxweyne Xasan Sheekh.
Khadar Cabdiraxamaan Faroole oo uu dhalay madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa la sheegay in laga hor istaagay garoonka diyaaradaha ee Generaal Maxamed Abshir, asagoo safar u ahaa magaalada Muqdisho.
Ilaa hada wax war ah kama soo bixin dhanka dowladda federaalka Soomaaliya oo ku adaan is hor istaaga lagu sameeyay Ergeyga madaxweynaha uqaabilsan ganacsiga iyo maal-gashiga caalamiga ah.
Laamaha amaanka ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ayaa lagu soo waramayaa in Ergeyga madaxweynaha ey udiideen in uu ka dhoofo garoonka diyaardaha ee magaalada taasi oo abuurtay buuq iyo muran.
Sidoo kale wararka waxey intaas kudarayaan in amarka xayiraada safarka Ergeyga madaxweyne Xasan Sheekh uu kasoo baxay dhanka madaxtooyada Puntland oo ay ku kala aragti duwanaadeen arrimaha doorashooyinka Puntland.
Hasayeeshee Maxkamada dowladd goboleedka Puntland ayaa horey Khadar Cabdiraxmaan Faroole iyo saddex siyaasiyiin oo kale ayey warqad soo qabasho ah ayey u jaray Xeer ilaaliyaha guud ee Puntlad kuwaas oo lasheegay in ay ku lug lahaayeen dagaal dhawaan kadhacay magaalada Garoowe kaas oo sababay qasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ah.