Mudug (KAAB TV) – Maamulka gobolka Mudug qeybta Puntland, ayaa heshiisyo dhinaca amniga iyo iskaashiga ah la gaartay maamulka gobolka Doollo ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, kaddib kulamo labada maamul ku yeesheen magaalada Wardheer ee dowlad deegaanka.
Sidoo kale, shirkan ay yeesheen labada maamul ee ka kala tirsan Puntland iyo dowlad deegaanka, ayaa gabagabadiisa waxa ay ku heshiiyeen qodobo dhowr ah ay kamid yihiin xoojinta wadashaqeynta dhinaca amniga ee ka dhaxeeya labada gobol iyo sidoo kale isku xirka ganacsiga labada gobol ee Mudug iyo Dolollo .
Ugudambeyntii, heshiiskan ay gaareen maamulada Puntland iyo dowlad deegaanka Soomaalida, ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan maamulka Puntland uu dhaafay canshuurta laga qaado gaadiidka ka yimaada dhinaca dowlad deegaanka ee alaabaha ka qaada dekadaha Puntland kuyaalla.