Garoowe (KAAB TV) – Ciidanka amniga maamulka Puntland ayaa gacanta ku soo dhigay doon siday hub fara badan oo sharci darra ah ka dib howlgal ay fuliyeen Hay’adaha amaanka.
Sida wararku ay sheegayaan doontaan hubka lagu siday ayaa ahaa nooca Kaluumaysiga oo lagu raray hubka culculus sida ay sheegeen laamaha amniga maamulka Puntland.
Ciidanka ayaa lagu soo waramayaa in gacanta ay ku hayaan ilaa seddax qof oo ka mid ahaa sida la sheegay kuwii waday doonidan Kaluumaysi oo xeebaha Puntland lagu qabtay.
Ciidamada ammaanka ayaana xabsiga dhigay saddex nin oo la socday doonta la qabtay, waxa ay sidoo kale ciidamada la wareegeen hubkii doonta saarnaa
Dalka Yemen ayaa mararka qaar laga soo galiyaa hubka sharci-darada ah ee la keeno gudaha Soomaaliya, hubkaasi ayaana lagu soo galiyaa dooman si dhuumaaleysi ah ugu soo xirta xeebaha Puntland.