SO | EN

SO | EN

Puntland oo ka digtay in colaad beeleeyada loo sooraro magaalada Gaalkacyo

|

Gaalkacyo (KAAB TV) – Maamulka Puntland ayaa soo saartay digniin adag oo ku saabsan in aysan magaalada Gaalkacyo aan lakeeni karin ama loo soo rari karin colaad beeleedda ka taagan degaannada galbeedka gobolka Mudug.

Sido kale, Wasiirka Maaliyadda Puntland, Maxamed Faarax Maxamuud oo hadal ka jeediyay shir nabadeed oo Gaalkacyo uga furmay labada beelood ee Sacad iyo Leelkase ayaa si weyn uga digay in colaadda ka taagan galbeedka Mudug loo soo raro magaalada Gaalkacyo.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa odayaasha labada beelood ka codsaday in ay nabadda u midoobaan, isla markaana ay meesha ka saaraan waxkasta oo colaadda u hiilin kara, wuxuuna sheegay in mas’uuliyiinta Puntland iyo Galmudug aysan aqbali doonin in colaadda miyiga loo soo raro magaalada Galkaacyo ee xarunta gobolka Mudug.

“Waxaa tihiin ehel wadashay oo aan meelna kala aadi doonin, dhulkuna weligiis meeshiisa ayuu ahaanayaa, waxaa laydinka rabaa inaad baaqa nabadda gaarsiisaan reer guuraaga oo hawshaan aadan ka tegin iyadoo qabyo ah, haddii aad heshiin waydaan maamuladu go’aan bay gaarayaan labada beeloodba dan u ah.”

“Magaaladaan Galkacyo waa magaalo inaga wada dhexaysa oo Soomaali oo dhami ku nooshahay, in qalalaaso laga sameeyo waxyaabaha miyiga iyo tuulooyinka ka dhacay loo soo raro marna aqbali mayno, dadka raba inay fidno ka sameeyaan oo dagaalada u soo raraan kulli waa iska celinaynaa oo dhan baan uga soo wada jeensanaynaa. Dagaalku meelbuu joogaa xalbaana loo raadinayaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka Maaliyadda Puntland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News