Garoowe (Kaab TV)– Dowladd goboleedka Puntland oo soo saartay warsaxaafadeed ey ku naqdineeso hadalkii dhawaan kasoo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh oo hoos udhigay qilaafka kala dhexeeyo maamulka Puntland isaga oo sheegay in uu san wax ka ogeyn waxa ay tabaneeso Puntland.
Warsaxaafadeed ey soo saartay dowladda Puntland oo ka koobnaa 10 qodob oo loogu jawaabaayo Xasan Sheekh iyo tabashada ey Puntland kaqabto dowladda Federaalka 10-ka qodob ayaa waxa ey kala yihiin sida soocto.
1. Ilaalinta midnimada dalka, iyo in Dowladda Federaalka difaacdo oo caddayso mowqifkeeda ku aadan kala goynta dalka, waa arrin si gaar ah u taabaneysa Puntland, waana tan maanta ka taagan SSC.
2. Dhamaystirka Dastuurka dalka, ayadoo loo marayo hab ku dhisan wadatashi iyo heshiis siyaasadeed loo dhanyahey.
3. In laga heshiiyo Hanaanka Amniga Qaranka, sida loo dhisayo iyo siday u shaqeynayaan ciidamada qalabka sida ee dalka.
4. In laga heshiiyo sida loo maamulayo, iyo sida loo wadaagayo khayraadka dalka.
5. In laga heshiiyo, lana kala saaro awoodaha iyo siday u wadashaqeynayaan hayadaha Federaaliga ah iyo kuwa dowladda Federaalka xubnaha ka ah.
6. In laga heshiiyo hanaanka caddaaladda iyo garsoorka dalka, iyo sida maxkamaduhu u kala leeyihiin awoodaha iyo dacwadaha ay galayaan.
7. In laga heshiiyo hanaanka dhaqaalaha iyo sida maaliyadda dalku u noqon lahaa mid Federaali ah oo daah furan.
8. In laga heshiiyo nooca iyo siday noqoneyso doorashada hayadaha Federaalka ee dalka.
9. In laga heshiiyo maqaamka ey yeelaneyso caasimadda dalka, mattalaadeeda iyo sharciga lagu maamulayo
10. In laga heshiiyo shuruucda iyo xeerarka dalka intaan la horgeyn golayaasha hayadaha Federaalka ah.
Dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka Puntland ayaa 10-kii sano udambeyay isku hayey 10- arrimood oo ah masiiri iyo dastuuri Puntland ayaa ku doodeyso in dowladda federaalka aqbasho in dalku federaal yahay oo lagu wada heshiiyo dastuurka kumeel gaarka ah.
Sidoo kalana laga heshiiyo 10-ka arrimood muhiimka u ah dowlad nimada iyo dastuurka si loo helo dowlad federaali ah.