Garowe (KAAB TV) – Puntland ayaa goordhow ku dhawaaqday hawlgal militari oo aad u weyn oo loo bixiyay Hilaac, kaasoo deegaanada buuraleyda Puntland looga ciribtiraayo kooxaha Daacish iyo Shabaabka.
Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mohamed Baarri Shire, ayaa maanta si rasmi ah u furay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland ee (Hillaac), kaasi oo ujeedkiisu yahay in argagixisada laga sifeeyo buuralayda Puntland.
Sidoo kale, ku dhawaqista howlgalkan cusub ee Hilaac loogu magac daray ayaa yimid kaddib markii, uu maalmo ka hor madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu ku dhawaaqay howlgal cusub lagula dagaalamaya argagixisada ku dhuumaaleysaneysa buuraha gobolada Puntland, gaar ahaan buuraha Galgala.
Dhanka kale, Puntland ayaa maanta soo bandhigtay cudada ciidankeeda iyo qalabkooda, taas oo muujineysa in Puntland diyaar utahay howlgalka sifeynta buuraha Galagal ee Hilaac.
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyas Osman Lugator, ayaa dhawaan sheegay in xubnaha Daacish ay kusii qulqulayaan buuraleyda qoto dheer ee Puntland, halkaas oo ay ka bilaabeen dhibaateynta bulshada deegaanka, xilli laga cabsi qabo hawlgalka cusub ee maanta la bilaabay.
“Hadda waxa aan wajahneyn wax kasii xun: koox la yiraahdo Daacish ayaa timid. 80% iyaga kamid ah waa ajaanib aan waddankan u dhalan. Khatarteena ugu weyn waa xagjirnimada,” ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Lugator.
Waxa uu tilmaamay in fikradaha xagjirnimada, inkastoo xididadeedu ay aad uga yar yihiin bulshada Puntland, ay tahay fikrado dibadda laga soo waariday.