GARAWE (KAAB TV) -Puntland ayaa ku dhaliishay jaamacadaha degaanadeeda in ay qeyb libaax leh ku leeyihiin kororka tahriibka dhalinyarada, gaar ahaan kuwa wax ku bartay gudaha Puntland.
Wasiirka Qorsheynta Puntland, Daa’uud Bisinle oo ka hadlayay shir cilmi baariseed oo uu soo qaban-qaabiyay ururka jaamacadaha Puntland, ayaa si cad u sheegay in jaamacaduhu sanad kasta soo saaraan kumannaan arday ah oo dhameystay hal nooc oo cilmi ah – taas oo keentay in ay aad uga bataan suuqa shaqada iyo fursadaha la heli karo.
Wasiirka ayaa sheegay in tani ay dhalinyarada ku riixayso inay tahriibaan, iyagoo filanaya nolol ka wanaagsan midda ay dalkooda ka heli waayeen.
“Waa nasiib darro in jaamacaduhu isku aragti noqdaan, ardaydana isku cilmba lagu baro, taas oo dhalinaysa culays dhaqaale iyo shaqo la’aan baahsan,” ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta Puntland.
Wasiirku waxa uu ku baaqay in la sameeyo dib-u-habeyn dhameystiran oo lagu kala duwanaanayo kuliyadaha iyo culuumta lagu barto jaamacadaha, si ay uga jawaabaan baahiyaha dhabta ah ee suuqa shaqada Puntland.
Wuxuu soo jeediyay in jaamacad walba lagu barto cilmiyo gaar ah oo ku saleysan baahida bulshada iyo qorsheyaasha horumarineed ee gobolka.
Dhibaatada tahriibka ayaa si weyn u saameysay dhalinyarada jaamacadaha iyo dugsiyada sare ka baxay, kuwaas oo aan helin fursado ay ku shaqeystaan. Inkastoo waxbarashadu ay tahay furaha horumarka, haddana marka aysan la jaanqaadin baahida dhabta ah ee suuqa shaqada, waxay noqon kartaa waddo kale oo niyad jab ah.