SO | EN

SO | EN

Puntland oo maanta toogasho kufulisay 19 qof.

|

Garoowe (Kaab TV)– Maxkamada ciidamada Puntland ayaa maanta dil toogasho kufulisay dad gaaraya ilaa 19 qof oo horay ugu riday xukun dil toogasho ah.

Ragga latoogtay ayaa waxaa kujiray shabakado isku xirnaa oo ka kala tirsanaa kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, sida ay shaaciyeen maxkamada.

Toogashada oo dhacday abaare sideedii subaxnimo ayaa ka dhacday magaalooyinka Gaalkacyo, Boosaaso iyo Garoowe ee maamul goboleedka Puntland.

Ragga la toogtay 13 kamid ah waxa ay ahaayeen xubno ka kala tirsanaa Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo ay Puntland ku eedeysay inay geysteen dilal iyo qaraxyo.

Sidoo kale lix kamid ragga saaka xukunka toogashada ah lagu filiyay waxa ay ahaayeen askar ka tirsanaa ciidamada Puntland oo iyaguna horay dilal uga geystay magaalooyinka maamulkaasi, kuwaas oo lagu ridday xukuno dil ah oo ugu dambeyn maanta lagu fuliyay.

Fulinta xukunkan toogashada ah ayaa waxaa si aad ah u baahiyay warbaahinta, ayada oo laga hadal hayo baraha bulshada, maadaama ay hal mar toogashada lagu fuliyay 19 nin.

Dadka qaar ayaa tallaabadan ku boggaadiyay Puntland, halka kuwa kalena ay aragti ahaan kasoo horjeesteen, maadaama ragga la dilay ay u badnaayeen dhalinyaro.

Ma’aha markii ugu horreysay oo toogasho noocaan ah ay fuliso Puntland, waxayna 27 June ee sanadkii 2021-kii sidaan oo kale tiirka u geysay 21 ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Puntland ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay xoojisay dagaalka ay kula jirto kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo fadhigooda uu yahay dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News