Puntland oo mamnuucday bacaha, kana digtay xaalufka deegaanka iyo badaha – Video

|

GAROOWE (KAAB TV) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey xuska Maalinta Caalamiga ee Deegaanka ayaa si adag uga hadlay kalluumaysiga sharci darrada ah ee ragaadiyay xeebaha Puntland iyo xaalufka dhirta.

Isagoo ka hadlayay magaalada Garoowe, ayuu Madaxweyne Deni ku nuux-nuux saday saamaynta daran ee ay maraakiibta shisheeye ee kalluumaysiga sharci darrada ah ku yeesheen gobolka, isagoo Puntland ku sifeeyay mid dhibane u ah hawlahaas.

“Puntland waa dhulka u badan lamo-degaan xigeenka. waa dhulka ay ku taallo xeebta ugu dheer Soomaaliya. Waa dhulka xaalufka ugu badan uu ka socdo. Badaha la yiraahdo Soomaaliya xaaluf baa ka socda waa inta Puntland, maxaa yeelay waa meelaha ugu kheyraadka badan ee caalamka ay ku hayaan xaalufka kheyraadka ee sharci darrada ah,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni oo si gaar ah u iftiimiyey cawaaqib xumada ka dhalan karta deegaanka iyo dhaqaalaha, ayaa ku baaqay in si degdeg ah wax looga qabto ilaalinta kheyraadka badda Puntland.

“Biyahayagu waxa ay noqdeen bartilmaameedka kalluumaysiga sharci darrada ah, taasina waa in la joojiyo, uma dulqaadan doono in hay’ado shisheeye ay ka faa’iidaystaan ​​kheyraadkeenna,” ayuu yidhi.

JOOJINTA DHOOFINTA DHUXUSHA

Deni ayaa sheegay in Puntland horey u joojisay dhoofinta dhuxusha laga keeno dhirta la soo jaro. Wuxuu sheegay in gobollada Sool iyo Sanaag ay ahaayeen meelaha ay saameynta badan ku yeelatay.

Deegaanka Dhahar ee gobolka Sanaag ayaa la xusay inuu noqday deegaanka ku guuleystay ka hortagga jarista dhirta iyo dhuxusha taasoo wax badan tartay dhowrista dhirta iyo deegaanka.

MAMMNUUCISTA BACAHA

Talaabada muhiimka ah ee Madaxweyne Deni waxa uu sidoo kale ku dhawaaqay in Puntland laga mamnuucay keenista, ka ganacsiga iyo iibinta bacaha, taasi oo muujinaysa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday ilaalinta deegaanka.

Wuxuu sheegay in Puntland ay ka go’an tahay in lasoo nooleeyo xeerarka ilaalinta deegaanka, iyadoo Wasaaradda Deegaanka iyo ciidamada amaanka ay ka hawlgali doonaan in ciqaab la mariyo dadka ku hawlan xaalufka deegaanka.

“Waxaa igu maqaala ah in dekedda Boosaaso qeyb bacaha ka mid ah ay kasoo degaan. Maanta laga bilaabo, Wasaaradda Maaliyadda farriinta way maqleysaa, wax bac ah oo deegaanada Puntland si sharci ah uga soo degi kara ma jiraan,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Wuxuu kaloo amray in ciidamada ay tallaabo ka qaadaan bacaha lagu soo geliyo dhanka dhulka.

Tani waxay Puntland ka dhigeysaa maamul-goboleedkii ugu horeeyay ee ku dhawaaqa mamnuucista bacaha gudaha Soomaaliya. Hindisaha waxaa looga golleeyahay in lagu dhimo dhibaatadaha bacda ku yeelatay deegaanka iyo xoolaha, iyo in la ilaaliyo nidaamka deegaanka.

Mamnuucida ayaa la mid ah amarkii ay soo saartay Dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho horaantii bishii February. Si kastaba ha ahaatee, in kasta oo uu federaalku mamnuucay, soo dejinta bacaha ayaa sii socota.

Mawqifka adag ee Madaxweyne Deni waxa uu muujinayaa ballan-qaad cusub oo ku aaddan dhaqangelinta xeerarka deegaanka ee Puntland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News