Garoowe (KAAB TV) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha maamulka Puntland ayaa soo saartay amaro adag oo lagu mamnuucay dawarsiga, dhalinyarada alaabta yar yar wareejiya ama ka ganacsatada in la siinin simcard ama laga kireeyo guri qof degaanka sharci daro ku soo galay iyo amaro kale.
Sidoo kale, Talaabadan ayaa timid ka dib markii ciidamada Puntland ay habeen hore ku dileen magaalada Boosaaso nin ajnabi ah oo miino aasayey kaasoo la sheegay inuu ka mid ahaa ganacsatada yar yar ee alaabaha ku wareejiya magaalada wuxuuna ka tirsanaa kooxda Daacish sida ay ciidamadu sheegeen.
Dhanka kale, ammarkan lagu mamnuucayo in aan guri laga kireynin qof ajanabi ah iyo joojinta dadka dawarsada ayaa imaaneysa xili ciidamada amaanka Puntland howlgalo ay ka sameeyeen magaalada Bosaaso ay kusoo qabteen hub iyo waxyaalaha qarxa kaddib markii baaritaano lagu sameeyay xaafadaha magaalada Boosaaso lagu soo qabtay guri uu deganaan nin ajanabi.
Sikasataba, Puntland ayaa haatan kujirta howlgal culus oo ay buuraha gobolka Bari uga sifeynayaan kooxaha argagixisada Daacish, iyadoo inta badan hadda kala wareegtay saldhigyadii ugu muhiimsanaa kooxda Daacish.