SO | EN

SO | EN

Puntland oo qabatay baabuur raashin u siday Daacish

|

BOOSAASO (Kaab TV) – Ciidamada ammaanka Puntland ee ku sugan duleedka magaalada Boosaaso ayaa xalay gacanta ku dhigay baabuur raashin u waday firxadkii ka haray maleeshiyada argagixisada Daacish, kuwaas oo ku dhuumanaya togga Baallade.

Hawlgal ay ciidamada ammaanku ka fuliyeen nawaaxiga Biyo-Kulule ayaa lagu qabtay baabuur nooca loo yaqaan “Toyota Dyna” oo sida raashin kala duwan, waxaana la socday laba nin.

Ilo amni ayaa sheegay in labada nin oo la qabtay ayaa qirtay in ay raashinka u wadeen xubno ka tirsan Daacish oo ku sugan togga Baallade ee gobolka Bari.

Sarkaal ka tirsan laamaha baarista dowladda Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in baabuurka si qarsoodi ah looga raray gudaha Boosaaso, balse ciidamada ammaanku ay si guul leh ugu qabteen deegaanka Biyo-Kulule, xilli uu kusii jeeday dhanka togga Baallade.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale xusay in baaritaanno dheeraad ah lagu hayo labadii nin ee la qabtay, kuwaas oo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay noocyada raashinka ay wadeen iyo cidda ay u wadeen.

Dhinaca kale, warar laga helay gudaha kooxda Daacish ayaa muujinaya in ay ka go’een keydkii raashinka iyo dawooyinka, kaddib markii ciidamada Puntland ku guuleysteen in ay si buuxda u go’doomiyaan meeshii ay ku dhuumanayeen.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegaya in firxad ka haray kooxda Daacish ay ku kala firirsan yihiin meelo ka mid ah gobolka Bari, halkaas oo ay isku dayayaan inay dib isugu abaabulaan ka dib markii ay isaga bexeen inta badan dhulkii buuraleyda ee Cal-Miskaad.

Ciidamada Puntland ayaa weli wada hawlgallada ka dhanka ah Daacish, waxaana dhanka cirka duqeyn kaga taageeraya Taliska AFRICOM ee Mareykanka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News