SO | EN

SO | EN

PUNTLAND oo qirtay inay diyaar u tahay ay la furto Dowladda Soomaaliya

|

GAROOWE (KAAB TV) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni, ayaa caawa ku dhawaaqay in Puntland ay qireyso inay diyaar u tahay inay wadahadal la furto Dowladda Soomaaliya ee Muqdisho, haddiise la helo shuruud ah in meel fagaare ah lagu wada hadlo.

Madaxweyne Deni, oo ka hadlay gabagabada madasha Shirka Nabadda ee magaalada Garoowe, ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay doodeeda soo bandhigto, haddii ay khaldan tahayna la qabto, haddiise laga gardaran yahay loo hiiliyo.

Madaxweyne Deni ayaa dadkii uu kula hadlay xarunta hay’adda PDRC ee magaalada Garoowe u sheegay farriin ahayd inay dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ka keenaan inay gogosha wada hadalka yimaadaan.

Wuxuu ka digay in dadka la kala fogeeyo, oo sida uu yiri, ay hadda socoto in qaar dadka Soomaaliyeed laga saarayo Soomaalinnimada isagoo tusaale u soo qaatay kiiska Somaliland oo uu sheegay in markii la soo dhoweeyo la sii fogeynayo arrinkooda.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News