GAROOWE (KAAB TV) – Puntland ayaa waaberigii saaka u dirtay wafdi wasiirro ah magaalada Hargeysa, Somaliland, taasoo qeyb ka ah is-weydaarsiga maxaabiista.
Wasiirada Puntland ayaa sii raacay diyaarad magaalada Garoowe ka duushay oo sii qaadday maxaabiis ay siideysay Puntland.
Tani waxay noqoneysaa markii ugu horreysay ee wafdi rasmi ah oo ka socda dowladda Puntland uu booqdo Hargeysa muddo ka badan labaatan sano.
Maanta, Somaliland ayaa sii daysay 11 maxbuus oo Puntland u dhashay oo ku xidhnaa xabsiga Hargeysa, halka Puntland ay horey u sii daysay 15 qof oo reer Somaliland ah.
Labada maamul, oo horey u ahaa kuwo aad isugu dhaca, ayaa hadda bog cusub furanaya, iyaga oo bilaabaya cutub cusub oo taariikhda ah.