SO | EN

SO | EN

Puntland oo sheegtay in ey wadahadal lagaleyso dowladda Federaalka

|

Garoowe (Kaab TV) – booqashadii wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ey ku tagtay Garoowe, waxaa soo shaac baxday in wadahadlkii Puntland iyo dowladda federaalka ah uu dib u bilowdo.

Catriona Laing ayaa madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni kala hadashay in Puntland ey kaqeyb qaadato hannaanka geedi socodka dowladda Soomaaliya eyna wadahadaladda ey dib u furaan.

Dhanka kale Siciid Deni ayaa sheegay in uusan aqoonsanen golaha wadatashiga qaran kuwo dastuuri eyna gaari karin go’aano wax ku ool ah oo quseeya dastuurka dalka, wuxuu intaasi kudaray in dowladda federaalka iyo Puntland in ey wadahadlaan aan diyaar unahay.

Siciid Deni ayaa kulamo wadatashi la qaatay guddiga wadaxaajoodka ee uu isaga magacaabay bishii Janaayo ee sanadkan eynu kujirno 2023, guddigan ayaa waxaa loo magacaabay in ey kasoo tala bixiyaan tabashooyinka iyoo dooda ey qabto Puntland.

Sidoo kale guddigan ayaa wuxuu kakoobanyahy 22 qofood, waxaan hoggaan u ah guddomiye kuxigeenka baarlamaanka Puntland Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, sidoo kale waxaa kuxigeen ka ah Wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland, Cabdi Faarax Juxaa.

Wararka ayaa intaasi kudaray in ey qodobo miiska u saaran yihiin guddigan iyo madaxweyne Deni, waxaana lafilayaa in ey Warbaahinta lahadlaan, sidoo kale waxaa lafilayaa in Puntland ey shaaciso mowqifkeeda ku aadan waddahadalka ku aadan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ku mideysanyihiin madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, R/Wasaaraha, ku-xigeenkiisa iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa dhawaan shaaciyay heshiis wax looga beddelayo hannaanka doorashooyinka dalka, sidoo kale go’aankan gaaristiisa waxaa miiska waddahadalka ka maqnaa Puntland oo qeyb ka ah dowladdaha xubnaha dowladd goboleedyadda dalka.

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News