Garoowe (KAAB TV) – Wasaaradda Warfaafinta Puntland oo soo saartay farriin ku saabsan dagaalka Calmiskaad ayaa sheegtay in kooxda ISIS beddeshay taatikadii ay ku wajahaysay ciidamada difaaca Puntland, islamarkaana joojisay dagaalkii fool-ka-foolka.
“Wasaaradda Warfaafintu waxay shacabka iyo ciidamada Puntland u xaqiijinayaan in kooxda ISIS ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad ay ku jirto marxalad Liidata oo badbaado raadis ah, tani waxay muujinaysaa in awooddooda ciidan iyo midoodi maaliyadeedba ay hada ku sugan yihiin uu aad hoos u dhac weyn ku timid uuna koobanyahay marka loo eego meelihii ay horay ujoogeen.”
“Istaraatiijiyadda Weerarada: ISIS waxay ka tanaasushay qorshahooda weerarada fool ka fool ah, waxayna u janjeereen dhanka weerarada dhagarta ah (ambush) oo ay fuliyaan kooxo 8-10 qof ah oo ay wehliyaan snipers (Qoriga Diirada Dheer) Waliba Qofka Argagixiyaha ah sniper adeegsanayah waa uu ka danbeeya kooxda yar ee ambush samanaysa” ayay u dhignayd farriinta ka timid wasaaradda Warfaafinta Puntland.
Wasaaraddu waxay sidoo kale ciidamada difaaca Puntland ku wargelisay in ay taxaddar iyo feejignaan dheeri ah ka muujiyaan xeeladdan cusub ee kooxda ISIS la soo baxday, waxayna sheegtay in kooxdu isku dayi doonaan in ay ka faa’iideystaan xilliga roobka ee hadda socda, iyagoo ka soo baxay xaalad abaareed oo horey u hakisay dhaqdhaqaaqyadooda iyo awooddooda weerar.

