SO | EN

SO | EN

Puntland oo sheegtay inay 10 xubnood oo Daacish ah ku dishay dagaal ka dhacay aagga Togga Miiraale

|

GARAWE(KAAB TV) -Duqeymo cirka ah oo cusub ayaa laga fuliyey 4 goobood oo ku yaalla inta u dhaxeysa dooxooyinka Baalade iyo Miiraale, waxaana qaaday sida ay Puntland sheegtay diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka oo si joogto ah u beegsata Daacish.

War-saaafadeed kasoo baxay taliska howlgalka ka dhanka ah Daacish ayaa lagu sheegay, in Duqeymahan si gaar ah ugu beegsaday dagaalamayaal ka tirsan kooxda ISIS oo baxsad ahaa, kuna dhuumanayey godad ku yaalla buuraleydaas.

Howlgalka waxaa lagu sheegay in ciidamada Puntland ay dileen in ka badan 10 xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish, kuwaas oo isku qarinaayey deegaanka Shaakaalooyin, oo u dhaxeeya dooxooyinka Miiraale iyo Baalade.

Labo maalin ka hor ayay ahayd markii ciidanka La-dagaalanka Argagixisada ee Puntland ay gacanta ku dhigeen xarunta dhexe ee hoggaanka kooxda Daacish ee ku taalay dooxada Miiraale, iyagoo sidoo kale la wareegay ceelal biyoodyo muhiim ah iyo goobihii difaaca ee kooxda.

Weli qeyb kamid ah dagaalamayaasha Daacish ayaa isku urursaday togga Baalade oo ku dhow magaalada Boosaaso, halkaas oo sidoo kale ah meel istaraatiiji ah oo ay gabbaad kaga heli karaan duqeymaha uu Maraykanku la beegsanayo.

Howgalka ka dhanka ah Daacish ayaa ku dhow gabagabo, iyadoo Puntland ay ku guulaysatay inay dhammaan xorayso degaanadii ay Daacish ka talin jirtay 15 kii sano ee ugu dambeeyay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News