SO | EN

SO | EN

Puntland oo dishay horjooge sare oo ka tirsanaa Daacish

|

Bosaaso (KAAB TV) –Ciidamada difaaca Puntland ayaa wada howlgal xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysaneysa Buuraha Cal Miskaad, kuwaas oo muddooyinkii dambe isku dayay inay mar kale xoojiyaan joogitaankooda gobolka Bari.

Howlgalkan oo soconaya maalmihii u dambeeyay ayaa ka dhacaya dhul buuraley ah oo ay kooxdaasi ka degan tahay meelo muhiim ah, waxaana la xaqiijiyay in ciidamada Puntland ay la wareegeen deegaano cusub oo horay uga tirsanaa goobaha ay ku dhuumaaleysanayeen dagaalyahanada Daacish.

Saraakiisha amniga ayaa sheegaya in howlgalka lagu dilay Axmed Muuse Saciid, oo ahaa masuulka ugu sareeya ee Daacish u qaabilsanaa soo daadguraynta dagaalyahanada ajaanibta ah ee Soomaaliya ku biira kooxda.

Cabdifataax Cabdinuur, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland, ayaa sheegay in howlgalka uu weli socdo islamarkaana uu si gaar ah u bartilmaameedsanayo meelaha fogfog ee ay kooxda Daacish ku dhuumaaleysaneyso.

“Ciidamada difaaca Puntland waxay ku guuleysteen inay Daacish ka saaraan goobo muhiim ah, howlgalkana ma istaagayo ilaa laga xaqiijinayo in la baabi’iyo dhammaan xeryahooda ku yaalla buuraha,” ayuu yiri Wasiir Cabdifataax.

Puntland ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ku jirtay dagaal joogto ah oo ka dhan ah kooxda Daacish, iyadoo guulo muhiim ah laga gaaray weerarradii hore, waxaana saraakiishu sheegeen in howlgallada socda ay yihiin kuwa la doonayo in si buuxda looga ciribtiro kooxdan khatarta ku ah amniga gobolka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News