Puntland oo sheegtay inay soo afjartay hawlgal ka dhan ahaa ciidamada PSF

|

Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay soo afjartay hawlgal ciidan oo ka dhacay deegaanka Laag, oo qiyaastii 30 kiiloomitir u jira magaalada Boosaaso, kadib iska horimaad dhex maray ciidamada Daraawiishta Puntland iyo ciidamada gaarka ah ee PSF (Puntland Security Force).

Sida ay sheegeen ilo deegaanka ah, ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa xalay saqdii dhexe go’doomiyay kolonyo ka tirsan ciidamada PSF oo ka soo baxay Boosaaso kuna sii jeeday dhinaca degmada Xaafuun.

Iska horimaad kooban ayaa ka dhacay waddada laamiga ah ee isku xirta Boosaaso iyo Garoowe.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ugu yaraan laba qof ay ku dhinteen, halka dhowr kalena ay ku dhaawacmeen dagaalka. Dhaawacyada ayaa la geeyay magaalada Boosaaso, inkastoo aan weli la helin tiro rasmi ah oo madax-bannaan oo xaqiijinaysa khasaaraha.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Puntland ayay ku sheegtay in hawlgalka lagu qabtay gaadiid dagaal, hub noocyo kala duwan ah iyo maxaabiis, iyadoo ciidamada PSF ku eedeysay inay xiriir la lahaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidanka Puntland oo ku sugan aagga lagu dagaalamay.
Ciidanka Puntland oo ku sugan aagga lagu dagaalamay.

“Xukuumadda wakhtigeedu dhammaaday ee sharcidarada waddanka ku joogta ayaa malayshiyaadkan u abaabushay si ay u waxyeeleeyaan amniga, xasiloonida, wadajirka, dowladnimada iyo nabadda Puntland. Ciidamadu waxay ka qabteen gaadiid ciidan, hub noocyo kala duwan ah iyo maxaabiis, halka lagu raadjoogo firxadkooda oo kala firdhaday, saacado koobanna lagu soo afjari doono,” ayay Puntland ku tiri warsaxaafadeedkeeda.

Taliska booliska Puntland ayaa sheegay in intii uu socday hawlgalku, “Ciidanka Ammaanka Puntland waxay gacanta ku dhigeen gaadiid ciidan, hub noocyo kala duwan leh iyo tiro maxaabiis ah.”

“Sidoo kale, waxaa weli socda hawlgallo lagu baadi-goobayo xubnihii firxaday, iyadoo ciidamada ammaanku ay ku hawlan yihiin xaqiijinta amniga iyo xasilloonida dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay booliska Puntland.

Booliska Puntland ayaa soo bandhigay gaadiid iyo hub ay sheegeen inay ka qabsadeen kuwa PSF.

Puntland oo qabatay hub iyo gaadiid.
Puntland oo qabatay hub iyo gaadiid.

PSF waa ciidan uu horey u tababaray Mareykanka, oo loogu talagalay la dagaallanka argagixisada, hase yeeshee ay dowladda Mareykanku ka jartay taageerada.

Waxaa uu hoostagaa General Asad Cismaan oo kasoo jeeda Boosaaso, haddan aah taliyaha booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xiisaddan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo habeenkii xalay uu sidoo kale iska horimaad kale ka dhacay degmooyinka Xaafuun iyo Qardho, halkaas oo wararku sheegayaan in maleeshiyaad hubeysan ay rasaas ku fureen goob hotel ah gudaha magaalada Qardho, inkastoo faahfaahin dheeraad ah aan weli la helin.

Dagaalkii Isniinta

Sidoo kale, gelinkii dambe ee Isniintii waxaa dagaal kooban ku dhex maray ciidamada Daraawiishta Puntland iyo PSF, iyadoo aan la soo sheegin dhimasho, balse la xaqiijiyay dhaawacyo ka dhashay rasaas iyo hoobiyeyaal ay labada dhinac isweydaarsadeen.

Odayaasha dhaqanka gobolka Bari ayaa bilaabay dadaallo lagu dejinayo xiisadda, iyagoo waanwaan ka dhex wada labada dhinac si looga hortago dagaal kale.

Dhanka kale, Puntland ayaa ciidamo dheeraad ah u dirtay aagga, waxayna ku adkaysanaysaa inaanay aqbali doonin ciidan aan ka amar qaadan oo ay ku eedaynayso inay xiriir la leeyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay taliska PSF, sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska Federaalka Soomaaliya, Asad Cismaan Cabdullaahi, oo ku sugan Muqdisho, kama uusan hadlin eedeymaha iyo dhacdooyinka ay Puntland sheegtay.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Dowladda Federaalka weli.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News