SO | EN

SO | EN

Puntland oo sii daysay 7 kalluumeysato oo kasoo jeeda dalka Yemen

|

Muqdisho (KAAB TV) -Safaaradda Yemen ee Soomaaliya ayaa shaacisay in la sii daayay 7 kaluumaysato oo u dhashay dalka Yemen, kuwaasi oo muddo labo bilood wax ku dhow u xirnaa ciidamada ammaanka ee magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland, kadib markii ay tageen xeebaha Puntland, iyagoo aan wax ruqsad ah ka helin Wasaaradda Kalluumeysiga ee maamulkaasi.

War qoraal ah oo kasoo baxay safaaradda ayna heshay jariidada Caden Al-Ghad, ayaa safaaradda waxa ay uga digtay kalluumaysatada Yemen inay ka kalluumaystaan xeebaha Soomaaliya iyagoo aanan haysan  ruqsadda ka kalluumeysiga biyaha Soomaaliya.

Safaaradda ayaa carabka ku dhufatay muhiimadda ay leedahay in dadka doonaya in ay ka kalluumeystaan ​​biyaha Soomaaliya ay helaan shatiyo ka hor inta aysan aadin biyaha Soomaaliya, si ay xoriyadooda kallumeysi u ilaashadaan, loogana fogaado ciqaab uga imaan karta Maamulada federaalka ah ee Soomaaliya.

Horaantii bishii June ayay ahayd markii maamulka Puntland uu xabsiga ka sii daayay 26 kaluumaysato ah oo u dhashay dalka Yemen, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay si sharci darro ah uga kalluumaysanayeen xeebaha Puntland.

Sida ay warbaahinta Yemen xuseen Siideynta kalluumaysatadaasi waxaa suurta galiyay cafis rasmi ah oo ay soo saartay dowlad Goboleedka Puntland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News