SO | EN

SO | EN

Puntland oo siideysay markabkii hubka oo Turkey ay sheegatay lahaanshahiisa

|

BOOSAASO (Kaab TV) – Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqday inay sii daysay markabka MV Sea World, oo wata calanka waddanka Komoros, kaasoo bishii la soo dhaafay laga qabtay xeebaha Puntland.

War saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Dowladda Puntland oo ka duulaysa cadeymaha ay soo gudbisay Dowladda Turkiga iyo baaritaankii lagu sameeyay Markabka iyo Shixnada uu sido , ayaa go’aansatay in masuuliyada Markabka MV Sea World iyo hantida saaranba lagu wareejiyo Dowladda Turkiga.

Waxaa shalay magaalada Boosaaso gaaray Danjiraha Turkey ee Muqdisho, Alper Aktaş, iyo saraakiil militari oo Safaaradda Turkey ee Muqdisho ka socday.

Safiirka Turkey ayaa magaalada Boosaaso kula kulmay madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyaga oo ka wada hadlay xaaladda markabkan oo ay Puntland gacanta ku hayso.

Ciidamada Puntland ayaa markabkan kasoo qabtay biyaha Puntland 18kii July, waxaana lagu eedeeyay in muddo uu taagnaa xeebaha Puntland.

Puntland waxay sheegtay in markii hore ay lasoo xiriireen ganacsato ku sugan Muqdisho, kuwaas oo sheegtay inay iyagu leeyihiin shixnadda markabka saaran.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay si weyn isu hayaan Puntland, ayaa dhankeeda eedeymo u jeedisay Puntland, kuna tilmaantay inay yihiin “burcad badeed” markab kasoo afduubtay badda.

Eedddaasi waxaa ka jawaabay Puntland oo ku tilmaantay inay aad uga xun tahay.

Waxaa xusid mudan in dad shacab ah ay fuuleen markabka oo ay qaateen qaar ka mid ah hub fudud oo markabka saarnaa ka hor intii aysan ciidamada Puntland u soo gelbin dhanka dekedda magaalada Boosaaso.

Markabkan oo lagu magacaabo M.V Sea World ayaa lagu qabtay meel u dhow Boosaaso 18kii July, waxaana ciidamada badda ee Puntland ay u kexeeyeen dekedda Boosaaso.
Markabkan oo lagu magacaabo M.V Sea World ayaa lagu qabtay meel u dhow Boosaaso 18kii July, waxaana ciidamada badda ee Puntland ay u kexeeyeen dekedda Boosaaso.

Markabka ayaa hadda la filayaa inuu u dhaqaaqo dekedda Muqdisho.

Shixnadda saaran markabka

Markabkan M.V Sea World ayaa ku gooshaya calanka Jasiiradda Comoros, waxaana saaran shaqaale u dhashay waddamada bariga Yurub.

Ilo wareed amni ayaa sheegay in markabka uu sido 64 gawaarida gaashaaman, ambulance iyo dab demisyo dhowr ah oo loo maleynayo inay ku socdeen xerada ciidamada Turkey ee Muqdisho.

Ilaha ayaa intaa ku daraya in markabku siday in ka badan 1400 bastoolado ah, kuwaas oo qaarkoof ay boobeen dad shacab ah oo markabka fuulay markii la qabanayay.

Qabashada markabka iyo qalabka uu sido waxay dib u soo kicisay sida loogu xadgudbayo qafiifintii la qafiifiyay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, taasoo weli qeyb ahaan saaran kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Puntland iyo Somaliland ayaa dhowaan ku celiyay in si buuxda dib loogu soo celiyo cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya si looga hortago hub sharci darro ah oo gacanta u gala maleeshiyo beeleedyada iyo kooxaha argagixisada.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News