SO | EN

SO | EN

Puntland oo soo bandhigtay 500 boolis cusub oo tababar dhameystay

|

CARMO (Kaab TV) – Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga magaalada Carmo, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray tababar loo qabtay cutubyo cusub oo ka mid noqonaya Ciidanka Booliska Puntland.

Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in dufcaddan ay tahay dufcaddii 8-aad ee ka qalinjabisay Kulliyadda Tababarka Ciidanka Booliska ee degmada Carmo.

Ciidankan cusub oo tiradoodu ku dhowdahay 500 askari, ayaa lagu soo xulay aqoontooda heer jaamacadeed, waxaana ay soo dhammeeyeen tababar socday muddo siddeed bilood ah.

Puntland oo tababar u soo xirtay illaa 500 askar cusub oo boolis ah
Puntland oo tababar u soo xirtay illaa 500 askar cusub oo boolis ah

Madaxweyne Deni ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray ciidanka tababarka dhammaystay, kuwaas oo lagu dhaariyay fagaaraha xafladda xiritaanka.

Waxaa ciidamada cusub ku jira gabdho ka mid ah saraakiisha cusub ee soo dhameystay layliga ciidan, kuwaas oo la rajeynaayo inay ku biiraan hoggaanka cusub ee ciidamada booliska Puntland.

“Waxaan u rajeeynayaa in aqoonta iyo xirfadaha ay heleen ay ugu adeegaan dalkooda iyo dadkooda,” ayuu yiri Madaxweyne Deni isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay Dowladda Puntland uga go’an tahay dhismaha ciidamada, sugidda amniga iyo ciribtirka argagixisada.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta taageerada ay ku bixisay tababarkan, wuxuuna ammaanay dadaalka Taliska Ciidanka Booliska, saraakiisha, macallimiinta iyo dhammaan dhinacyadii kale ee ka qayb qaatay tababarka muddada uu socday.

Waxaa ciidamada cusub ku jira gabdho ka mid ah saraakiisha cusub ee soo dhameystay layliga ciidan, kuwaas oo la rajeynaayo inay ku biiraan hoggaanka cusub ee ciidamada booliska Puntland.
Waxaa ciidamada cusub ku jira gabdho ka mid ah saraakiisha cusub ee soo dhameystay layliga ciidan, kuwaas oo la rajeynaayo inay ku biiraan hoggaanka cusub ee ciidamada booliska Puntland.

Munaasabadda xiritaanka ayaa waxaa ka soo qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada, Mudane Maxamed Baari Shire, xubno ka tirsan goleyaasha dowladda, isimada dhaqanka, saraakiisha ciidanka, maamulka gobolka Bari, kan degmada Carmo, fannaaniinta PUNTBAND, iyo bulshada magaalada Carmo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News