GAROOWE (KAAB TV) – Guddoomiyaha Gobolka Nugaal ee Dowladda Puntland Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa caawa ku dhawaaqay in qofkii taageero Garoowe u muujiya Wasiirka cusub ee arimaha Gudaha Soomaaliya Wasiir Cali Yusuf Xoosh inuu noqonayo Dambiile.
Waxaa kale oo uu sheegay inaan la taageeri karin Dowlada Federaalka iyo madaxweynaheeda Xasan Shiikh Maxamuud.
“Wasiirka Arrimaha Gudaha ee la magacaabay shaqo kuma lihin, ganacsatadda iyo qofkii la xiriira dowlada Federaalka waa dambiile,” ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdiramaan Xaaji Abshir.
Guddiga amniga ee maamulka gobolka Nugaal ayaa shir ka yeeshay arrinta dhaqdhaqaaqyo la sheegay inay dad ka wadaan Garoowe.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa mamnuucay in magaalada Garoowe lagu qabto shirar lagu taageerayo dowlada Soomaaliya.
“Cid Alla ciddii la xiriirta ama shirar lagu taageerayo Dowladda Federaalka iyo Wasiirada la magacaabay, ku qabata Hotelada Garoowe, Dowladdu tallaabo sharci ah ayay ka qaadaysaa, hantidoodana way la wareegaysaa,” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Nugaal.
Guddoomiyaha ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka ay hore isugu dayday qalalaase ka riddo Puntland xilligii doorashada balse ay suuragali wayday.
Talaabadan ayaa ku soo beegmaysa xili Wasiir Cali Xoosh oo ka soo jeeda gobolka Nugaal ee Puntland uu qorshaynayo berrito in xaflad lagu taageerayo isaga lagu qabto Garoowe, waxaana arrintaas laga cabsi qabaa iney xiisad cusub ka dhaliso Puntland.
Wasiirka cusub ee loo magacaabay arimaha Gudaha Soomaaliya Wasiir Cali Yusuf Xoosh ayaa ah siyaasi si weyn uga soo horjeeda hab maamulka Madaxweyne Saciid C/llaahi Deni.