SO | EN

SO | EN

Puntland oo soo saaryay go’aanno lagu cunaqabateynaayo Daacish

|

BOOSAASO (KAAB TV) –  Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Maxamed Baari Shire, ayaa ku dhawaaqay go’aanno cusub oo ujeedkoodu yahay in looga hortago dhaqdhaqaaqyada kooxda Daacish.

Ciidamada Puntland ayaa tan iyo bishii December 2024 dagaal kula jiray kooxda Daacish ee ku jirta buuraleyda Cal Miskaad.

Hawlgallada ayaa hadda ku jira wajiga saddexaad.

Shir ka dhacay Boosaaso oo uu guddoomiyey Madaxweyne Deni ayaa looga hadlay dardargelinta dhameystirka hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee (Hillaac) oo wejigii saddexaad marayo meel gebo gebo ah.

War saxaafadeed ay dowladdu soo saartay ayaa lagu sheegay in shirka oo ay ka qeyb galeen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka, ayaa Madaxweynaha warbixin uga dhageystay masuuliyiinta, wuxuuna bogaadiyay shaqada la qabtay iyo qorsheyaasha lagu dhameystirayo hawlgalka.

Go’aamada kasoo baxay Shirka :

Waxaa la faray Laamaha Amniga in tallaabo adag laga qaado Hubka sharci darada ah, Gadiidka lagu keeno iyo ciidatskoo ku lug leh.

Waxa mar kale lagu celiyay mamnuucida Ajaanibta Sharci darada kusoo gelaysa Puntland iyo qulqulka tahriibta, masuuliyiinta heer degmo, Gobol iyo saraakiisha Amniga waxaa la farayaa in ay ka hawlgalaan qulqulka tahriibta.

Illaa Amar dambe waxaa Gadiidka Badda (Saxiimadaha/Doonyo) ee rakaabka iyo xamuulka laga mamnuucay xeebaha deegaannada hawlgalku ka socdo, wixii xaalad gaar ah waxay ku safriyaan ogolaansho.

Waxaa la joojiyay in wax Raashin iyo sahay ah oo aan ogolaansho haysan, ama la aqoon meesha ay u socdaan, u gudbaan deegaannada hawlgalku ka socdo.

Kulanka waxaa lagu bogaadiyay shacabka Puntland, dalka iyo dibadda sida ay garab istaaga ugu muujiyeen Ciidamadooda geesiyaasha ah ee hawlgalka ku jira, waxaana lagu booriyey in ay halkaasi kasii wadaan garab istaaga Hawlgalka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News