Garoowe (KAAB TV) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa go’aamiyay in Dowladda Turkiga lagu wareejiyo Markabka MV Sea World iyo saanada ciidan ee saaran oo 18 bishii June lagu qabtay Xeebta Bareeda ee gobolka Raas casayr.
Go’aanka ayaa lagu gaarey kulan ay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ku yeesheen Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi ka socda Dowladda Turkiga oo uu hoggaaminayo Safiirka Turkiga.
Maamulka Puntland ayaa caddeeyay in Dowladda Turkiga la wadaagtay caddeymaha la xiriira in Markabka iyo saanada ciidan ee saaran ay leeyihiin, isla markaasna ay ku socotay xirada TURKSOM.

