SO | EN

SO | EN

Puntland oo weerar ku qaaday Xasan Sheekh iyo Xamze

|

Garoowe (Kaab TV)– Dowlad goboleedka Puntland ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday dowladda federaalka Soomaaliya oo ay kadhexeeyan ismari waa siyaasadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hoos udhigay khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeya Puntland isaga oo si cad u sheegay in uu san ogeyn waxa ay tabaneeso Puntland.

Wasiirka Qorsheynta Puntland Saciid Faroole ayaa sheegay in Damuljadiida maanta waxay lamid tahay Damuljadiidi toban sano ka hor ayuu yiri wasiirka oo weerar culus oo afka ah ku qaaday dowladda federaalka.

Sidoo kale wuxuu intaasi kudaray Wasiirka inta ey dowlad dhab ah cadaaladna ah iyo nidaam federaali ah laga hirgalinayo dalka Puntland waxey isticmaali doontaa waxyaabaha Dastuurkeeda u ogol yahay umana dhutin doono dowladda federaalka ayuu yiri wasiirka Qorsheynta Puntland Saciid Faroole.

Inta Puntland ayaa lagu nacaa rabitaankeeda dowladnimo iyo sida ey wax ula muuqdaan Puntland hada kadib waxey ka shaqeyn doonta danaha Puntland eyna hoos iskaga dhigi doonto xiriirka dowladda federaalka Soomaaliya ayuu sii raaciyay wasiirka.

Si kastaba, Puntland oo dhibsatay in madaxweyne Xasan uu hoos u dhigo khilaafka kala dhaxeeya ayaa sheegtay inaysan tabasho qabin ee talada dalka wax ku leedahey, islamarkaana laga tillaabsan karin,] maadama ay dhiig iyo dhaqaale ku bixisay dhismaha dowladnimada dalka iyo soo-celinta Jamhuuriyadda 3-aad ee Somalia oo ah tan maanta jirta.

Hoos kadaawo hadalka Wasiirka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News