Afhayeenka howlgalka Hillaac, Gen. Maxamuud Axmed Faadhigo ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in xogo ay ka heleen sirdoonka caalamka ay ku ogaadeeen in horjooge Cabdulqaadir Muumin uu mar hore ka baxsaday Calmiskaad, halkaas oo ay muddo ka badan lix bilood howlgallo ka wadaan ciidamada Puntland.
Afhayeenka howlgalka Hillaac ma sheegin goorta uu baxsaday iyo sida uu ku baxsaday horjoogaha Daacish, hase ahaatee, wuxuu sheegay in horjoogaha Daacish uusan haatan ku sugnayn buuraha Calmiskaad. Waxaase dhinaca kale uu sheegay in ku xigeenkiisa oo lagu magacaabo, Cabdiraxmaan Faahiye Ciise Maxamuud ahna madaxa howlgallada Daacish uu ku dhuumaalaysanayo buuraha Calmiskaad, isagoo sheegay inuu rajeynayo in ciidamada amnigu Puntland ay gacanta kusoo dhigidoonaan.
Arrintaan ayaa kusoo beegantay, kaddib markii madaxweynaha Puntland Siciid Deni uu maalintii shalay sheegay in lasoo gabagabeeyay wajigii saddexaad ee howlgalka Daacish, isagoo ku dhawaaqay wajigii 4aad ee howlgalka, kaas oo lagu bartilmaameedsan doono goobaha yaryar ee ay ku dhuumalaysanayaan firxadka ururka Daacish.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in ay Calmiskaad kula dagaalameen ajnebi ka kala yimid qaaradaha Yurub, Afrika, Aasiya iyo Ameerika. Wuxuu sheegay in ay Puntland ka hortagtay halis weyn oo kusoo wajahnayd guud ahaan Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, laamaha amniga Puntland ayaa labo maalin ka hor gacanta kusoo dhigay nin ajnebi ah oo katirsanaa Daacish. Waana ninkii ugu horreeyay oo ajnebi ah caddaan ah oo nolasha lagu qabto tan iyo muddooyinkii ugu dambeeyay.