GAROWE (Kaab TV) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta dhagax dhigay mashruuc cusub oo isbitaal casri ah oo laga hirgelinayo duleedka magaalada Garoowe.
Isbitaalka, oo lagu magacaabo International Healthcare System (IHS), ayaa noqon doona midka ugu weyn ee bixiya adeegyada caafimaadka Puntland, waxaana loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu dabooli doono baahiyaha caafimaad ee shacabka Puntland.
Madaxweyne Deni, oo safar shaqo ku yimid magaalada Garoowe si uu u dhagax dhigo isbitaalkan, ayaa sheegay in dhismaha isbitaalka uu wax weyn ka tari doono baahiyihii caafimaad ee hore loogu aadi jiray dibadda.
Isbitaalkan casriga ah ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo laga hirgeliyo Puntland, isaga oo siin doona adeegyo caafimaad oo tayo sare leh.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale muujiyey sida ay uga go’an tahay dowladda Puntland in ay garab istaagto cid kasta oo maalgashi ku samaynaysa deegaannada Puntland.
Waxa uu si gaar ah ugu mahadceliyey Dr. Darman Aden, MD, FACP, oo matalayay shirkadda IHS Health Care System.
Wasiirka Caafimaadka Puntland, Jaamac Qoorsheel, ayaa sheegay in isbitaalka uu u adeegi doono dhammaan shacabka iyo ciidamada qalabka sida.
Wasiirka ayaa tilmaamay in marka dhismaha isbitaalka la dhammeeyo, aysan jiri doonin qof u baahan inuu caafimaad u raadsado dibadda, sida horey ugu dhici jirtay.
Wasiirka oo ka hadlayay munaasabadda dhagax dhiga, ayaa ku bogaadiyey maamulka Puntland hirgelinta isbitaalkan casriga ah, isagoo xusay in qorshaha mustaqbalka fog ee wasaaradda caafimaadka uu ku jiro dhismaha isbitaallo kale oo heer caalami ah, kuwaas oo loogu talagalay shacabka iyo ciidamada Puntland.
Munaasabadda dhagax dhiga waxaa ka qeyb galay madaxda goleyaasha dowladda Puntland, maamulka gobolka Nugaal, maamulka degmada Garoowe, la-taliyayaal madaxweyne, wefti ka socda shirkadda IHS, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Ugu dambayn, Madaxweyne Deni ayaa dib ugu laabtay magaalada Boosaaso oo ah xarunta gobolka Bari, halkaas oo ay ka socdaan dadaallo xooggan oo lagu dardargelinayo howlgalka lagu ciribtirayo argagixisada ee Puntland.